Abwaan Weedhsame Muxuu ka Yidhi Khilaafka Axmed Cismaan Geelle Iyo Dawlada Djibouti?

0
Monday April 08, 2019 - 15:36:49 in News by
  • Visits: 3631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Weedhsame Muxuu ka Yidhi Khilaafka Axmed Cismaan Geelle Iyo Dawlada Djibouti?

    Abwaan Weedhsame Muxuu ka Yidhi Khilaafka Axmed Cismaan Geelle Iyo Dawlada Djibouti?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Weedhsame Muxuu ka Yidhi Khilaafka Axmed Cismaan Geelle Iyo Dawlada Djibouti?


Hargeysa(HWN):-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo ka mid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumada Jabuuti ku doonayso in loogu gacan galiyo Ganacsade Axmed Geelle.




Abwaan Weedhsame ayaa bulshada xasuusiyay dhacdo fool-xun oo sanadkii 2014kii ay xukuumadii Axmed Siilaanyo dalka Jabuuti ugu gacan galisay muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaasi oo aan weli geeri iyo nolol midna lagu ogeyn.


Dhinaca kale, Abwaan Weedhsame ayaa ku tilmaamay waxaan suurto-gal ahayn dalabka dowlada Jabuuti ee Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, isagoo sheegay inay ahayd in la waydiiyo halka ay ku danbeeyeen kuwii hore loogu dhiibay.


Abwaan Weedhsame ayaa kaga hadlay Arrimahan, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uuna u dhignaa qoraalkiisu sidan:


"ICTIRAAFKA DADKAYAGAA KA MUHIIMSAN!!!!


2014-kii ayaa Qaraxyo ka dhaceen dalkaa aan deriska nahay ee Djibouti. Dawladda jibouti ee uu hoggaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku dooday inay jiraan dad reer Somaliland ah, oo soo ambabixiyey soona tabaabulsheeyey dadkii Qaraxa geysatay.


Sirdoonka Jibouti ayaa Hargeysa yimi. Imaanshuhu wax kuma yeelee, habeen madaw ayey Xukuumadii KULMIYE ee Siilaanyo hoggaaminayey, saddex ka mid ah muwadiniintii hooskeeda iyo haybadeeda qarannimo ku hoos jiray, si arxan-darro ah ugu wareejisay Gacanta dawlad Shisheeye. Damqashadii dadnimo, dareenkii lexejeclo ee dawladi Muwadinkeeda u lahayd iyo Dastuurkii aynu dejisanay intaba inta la baal maray ayaa babacada loo saaray iyaga oo jeebaysan!!!!


Warbaahinta dalka ka soo baxda qaar ka mid ahi, bishii july 2014-kii waxay qoreen in raggii la dhiibay mid ka mid ahi xabsiga Jibouti ku dhex geeriyooday, sababtuna tahay jidh-dil axmaqnimo ah oo loo geystay darteed. Waxse aan hubaa inu weli, Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo reer Gebiley ahi ilaa maanta gacanta ugu jiro Cadawgaas sidii hadyada loogu hibeeyey!!!


Haddaba maanta waxay ahayd in kuwa inaga maqan laga wada hadlo, ee in kuwa kale la soo doontaa meesha mabay ool. Ictiraafkana inan ku bedelano maaha dad nool nool oo kolba Jibouti loo dhiibo.


Haddaba hadalkii xukuumadu dhan uun buu ahaaye dhexdhexaad muu ahayn. Waayo Xukuumadu inoomay sheegin Axmed Cismaan Hantida kaga maqan Jibouti ee awoodda dawladnimo lagaga haysto Sida looga soo qaadayo iyo cidda uga soo qaadaysa.”

Loading...
Loading...