Sudan: Dibad-baxayaal Hor Degay Guriga Al-Bashiir

0
Monday April 08, 2019 - 14:06:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sudan: Dibad-baxayaal Hor Degay Guriga Al-Bashiir

    Ciidamada milatariga dalka Sudan ayaa lagu daad gureeyey xaruntooda magaalada Khartoum,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada milatariga dalka Sudan ayaa lagu daad gureeyey xaruntooda magaalada Khartoum,

ayada oo kumanaan dibad-baxayaal ah ay ku boorinayaan inay ku biiraan baaqyada ku saabsan in madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir u is-casilo.



Dibad-baxaaysha ayaa waddooyinka magaalada soo buuxiyey maalintii saddexaad oo xiriir ah, ayaga oo iska indha tiraya sunta dadka ka ilmaysiisa oo lagu kala eryayo.


Dibad-baxayaasha ayaa tan iyo sabtidii deganaa hareeraha xarunta ciidamada milatariga, oo sidoo kale ay ku yaalaan guriga Al-Bashir iyo xarunta wasaaradda gaashaandhigga.


Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada ay dhufeysyo ka sameysanayaan waddooyinka ku dhow xarunta kadib markii shaqaalaha hay’adda sirdoonka ee NISS iyo booliska ay ku guul-darreysteen inay kala eryaan.


Dhowr baabuur oo sida xubno ka tirsan sirdoonka iyo booliska rabshadaha ka hor-taga ayaa goor hore oo saaka ah tagay xarunta.

Waxaaa la maqlayey rasaas dhaceysa hase yeeshee ma cadda cidda rideysay.


Abaabulayaasha dibad-baxa ayaa ugu baaaqay dadka degan Khartoum iyo hareeraheeda inay kusoo biiraan mudaaharaadka.


VOA.

Loading...
Loading...