Hogaamiyayaashii Ugu Caansanaa Aduunka Iyo Wixii Ay Ka Yidhaahdeen 'Wada-Hadalka. Qaybtii 1aad'.

0
Saturday April 04, 2020 - 10:24:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyayaashii Ugu Caansanaa Aduunka Iyo Wixii Ay Ka Yidhaahdeen 'Wada-Hadalka. Qaybtii 1aad'.

    April 2020

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

April 2020
Mudo dheer waxaan idiin soo gudbinayey qoraalo taxane ah,kuwaas oo ku saabsanaa wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.Qoraaladaas hore ,waxay lahaayeen 2 cinwaan oo kala duwan,waxayna kala ahaayeen:-


    Aynu waada hadalo iyo 2. wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,dhamaan qoraaladaasi waxay iftiiminayeen in wda hadalku yahay xalka keliya ee Soomaaliyi ku kala bixi karto amase wax ku wada yeelan karto.

Qaybtanina waxaan idiinku  iftiimin doontaa wixii ay ka  yidhaahdeen Hogaamiyayaashii amase Siyaasiyiintii ugu caansanaa amase  ugu magaca weynaa Caalamkan aynu noolnahay,waxaana ka mid ahaa Hogaamiyayaasha ka hadlay qiimaha «Wada hadalku leeyahay».

1.  Mahatma Gandhi(Hogaamiyihii India):wuxuu yidhi:-

 " In aad la hadasho cid kale oo aad wax kala tabanaysaan,waa "geesinimo—fariidnimo---masuuliyadnimo iyo xalinta dhib taagan,si labada dhinacba u faaiidaan”---- haddii aad la hadasho cid aad wax isku haysaan,macnaheedu maaha---fulanimo—nacasnimo iyo in aad qalad weyn samaysay”.

2.  Nelson Mendella(Hogaamiyihii- Koonfur Afrika):-wuxuu yidhi.

 

Haddii aad nabadda iyo galgacalka taqaano sida loo beero----Colaada iyo nacaybkana waad taqaanaa sida loo beero,labadaba adigaa dooran kara kaad qaadanayso,xalka ugu fiicanina waa wada wada hadalka”

 

3.  Sheekh Yaasiin( Wadaadkii reer Falastiin):-

 

 wuxuu yidhi.

 "Haddii nabada laguu diido--- waxaa laguu diiday Noloshii-in aad u dhimato---adigoo nabad iyo nolol raadinaya  xaq baad u leedahay –Dhimashada cid ku diidi kartaa ma jirto—ILLAHAY  ayuun baa wax dila-waxna nooleeya”.

4.  Fidal Castro( Hogaamiyihii Cuba) Wuxuu yidh:-

 

"aan ku cunaqabateeyo, cidna wanaag uma keento,ee waxay keentaa isku tashi iyo in  aad aaminta waxa aad haysato ee awoodaadu tahay”.

 

 

ALLAA. M A H A D    L E H

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 [email protected]

 fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...