'' Mogdisho Xanuunka Maxay Inoogu Diiday ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Thursday April 02, 2020 - 08:48:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Mogdisho Xanuunka Maxay Inoogu Diiday ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Sheekaba sheeko ayay keentaaye ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheeko ayay keentaaye ,

waxa la yidhi beribaa nin socoto ihi usoo hoyday qoys reer miyi ah , dabeeto qoyska oday bakhayla ayaa u oday ahaaye , habeenkii ayaa ninkii lagga seexday oo la qadiyey .

 

Ninkii oo daalkii safarka iyo gaajadi isugu darsantay oo meel dabada hurda ayaa saqdii dhexe bahal la booday , qayladii ninka ayaa laggu soo yaacay , dabeeto odaygii oo dadka usoo horeeyey ayaa ninkii ka riday bahalkii .

 

Markii waagu baryay ayaa Odaygi ninkii ku yidhi , adeer waanigii xalay bahalka kaa riday oo nin xun ma ihiye ha odhanin wuu i qadiyay , dabeeto wuxuu ninki ugu jawaabay '' Adeer bahalka wax kale iigamaad ridine , afkaaga mooyaane in afkale wax galaan ayaanad doonaynin ''. Imika waa halkaase , Mogdisho 2 qof ee la yidhi xanuun baa laga heley wax kale inoogumay diidine , afkeeda mooyee af kale ayaanay wax u ogolaynoo , waxay is leedahay Somaliland ayaa waxoogay caawimo ah ku heli doonta .

 

# Hala farxasho , hana la feejignaado #


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...