Wiil Soomaali Ah Oo Noqday Qofkii Ugu Da'da Yaraa Ee UK Ugu Dhintay Covid-19

0
Thursday April 02, 2020 - 08:16:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Soomaali Ah Oo Noqday Qofkii Ugu Da'da Yaraa Ee UK Ugu Dhintay Covid-19

    Wiil 13 jir ah oo Soomaali ah, oo laga helay coronavirus ayaa geeriyooday,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil 13 jir ah oo Soomaali ah, oo laga helay coronavirus ayaa geeriyooday,
sida ay sheegeen maamulka isbitaal ku yaalla magaalada London.

Ismaaciil Maxamed Cabdulwahab, oo qoyskiisa ay daggan yihiin xaafadda Brixton ee koonfurta London, ayaa galinkii hore ee maalintii Isniinta ku geeriyooday isbitaalka King's College.



Waxaa la aaminsan yahay inuu noqday qofkii ugu da'da yaraa ee coronavirus ugu dhintay gudaha UK.


Afhayeen u hadlay isbitaalka ayaa sheegay in dhimashada wiilkan yar loo sababeeyay saameynta xanuunka corona, laakiin wax faah-faahin dheeri ah ma uusan bixinin.


In ka badan 1,790 qof ayaa UK ugu geeriyootay cudurkan loo bixiyay Covid-19.


Tirakoobkii ugu dambeeyay ayaa lagu sheegay in hal maalin gudaheed ay dhimashada ku korortay 381 qof, taasoo ahayd tii ugu sarreysay ilaa hadda.


Qoyska Ismaaciil oo bayaan ay so saareen uu shaaciyay qof saaxiib la ah ayaa sheegay "inay musiibo weyn ku tahay" geeridiisa.


Waxay intaas ku dareen inuusan horay u qabin cudurro muuqday oo dhibaato ku ahaa caafimaadkiisa, wixii ka horreeyay maalintii Jimcada oo laga helay Covid-19.


Hal maalin ka hor xilligaas ayaa isbitaalka lasii dhigay, kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad isbaddashay.

"0.3% oo ka mid ah dadka ay calaamadaha cudurkan ka muuqdaan ayaa u baahan in isbitaal la dhigo, 0.006% oo ka mid ah dadkaasna way u dhintaan - marka si kale loo dhigana 2 ka mid ah 30,000 oo qof oo uu cudurkan ku dhaco iyagoo da'da wiilkaas ah kama badbaadayaan," ayuu yiri qofka saaxiibka la ah qoyska.

"Laakiin way dhacdaa, sida haddaba kiiskan murugada badan ka muuqata."


Qoyska Ismaaciil ayaa sheegay in wiilkooda ay isbitaalka geeyeen markii ay ku arkeen calaamadaha, xilligaasoo neefsashada ay dhibeysay.


"Xaaladdiisu way sii xumaaneysay ilaa uu koomo ka galay, ugu dambeyntiina nasiib darro wuxuu geeriyooday subaxnimadii Isniinta," ayey dhaheen.


Falanqeyn: Maxay tahay khatarta ka dhanka ah dadka da'da yar?

Waxaa diyaariyay Richard Warry, Kaaliyaha tifaftiraha qeybta caafimaadka ee BBC News

Cilmibaaris la sameeyay ayaa muujisay in carruurta iyo dhalinyarada dhowr iyo toban jirka ah ay aad u yartahay inay u dhintaan Covid-19, marka loo eego dadka waaweyn.


Calaamadaha cudurka ayaa si khafiifka uga soo muuqda carruurta, iyagoo u eg sida hargabka caadiga ah.

Seynisyahannadu wali ma aysan kala hubsanin sababta ay arrintan u dhacday. Waxaa suurtagal ah in difaaca jirka ee carruurta uu yahay mid kan dadka waaweyn uga awood badan la dagaallanka Fayraska.


Laakiin tani micnaheeda ma aha in carruurta qaba xanuunnada kale aysan waxba ku noqoneynin saameynta coronavirus.


Dr Nathalie MacDermott, oo ah macallin cilmiga caafimaadka ka dhiga King's College London, ayaa sheegtay in dhimashada Ismaaciil "ay muujineyso muhiimadda ay noo leedahay inaan qaadno tallaabooyinka loo baahan yahay si loo yareeyo faafitaanka cudurkan ee gudaha UK iyo guud ahaan caalamka".


Waxay intaas ku dartay: "Waa lagama maarmaan in la sameeyo cilmibaaris lagu ogaanayo sababta ay cudurka ugu dhintaan dad ka baxsan kuwa la filan karo".

 

BBC

Loading...
Loading...