Xukuumada Oo Kulan Degdeg Ah La Yeelatay Aqoonyahano Dhakhaatiir Ah Iyo Culimo+Sawiro

0
Wednesday April 01, 2020 - 19:48:10 in News by
  • Visits: 2993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Kulan Degdeg Ah La Yeelatay Aqoonyahano Dhakhaatiir Ah Iyo Culimo+Sawiro

    Xukuumada Oo Kulan Degdeg Ah La Yeelatay Aqoonyahano Dhakhaatiir Ah Iyo Culimo+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Kulan Degdeg Ah La Yeelatay Aqoonyahano Dhakhaatiir Ah Iyo Culimo+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid19 ayaa maanta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland kulan kula qaatay Culimada waa weyn ee Somaliland iyo qaar kamida Dhakhaatiirka Waddanka.

Image may contain: one or more people and suit

Image may contain: one or more people
Image may contain: 1 person, outdoor
Image may contain: one or more people, wedding and outdoor

Kulankan ayaa ay saddexda dhinac kaga arrinsanayeen sidii looga hortagi lahaa xanuunkaasi islamarkaana bulshada loo badnaadin lahaa hadday tahay dhanka Diinta, Caafimaadka iyo dhanka Dawladdaba.


Waxaana halkaasi ka hadlay qaar kamida dhakhaatiirka oo sharaxaad ka bixiyey habka fudud ee cudurkani ku faafayo, waxaana ay soo jeediyeen in wacyi gelin buuxda la siiyo Bulshada si aan uga badbaadno caabuqa Covid19.

Image may contain: one or more people, wedding and outdoor
Image may contain: 1 person, beard, phone and hat
Image may contain: 1 person
Image may contain: one or more people and beard

Culimada Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu riyaaqeen hanaan wacyigelineed ee ay waddaan Gudida heer qaran ee xanuunka Carona Virus, waxaay dhankooda sheegen inay si habsamiya ula shaqaynayaan gudida iyo dawaldda intaba.


Waxaana ugu danbayntii kulankaasi layla qaatay in Culimadu ay maalinta beri ah soo saari doonaan Fatwo caam ah oo wacyigelin iyo ka hortag u noqon doonta faafintaanka xanuunkaasi islamarkaana culimada qaadato doorkeeda ugu mudan ee ka hortaga xanuunkaasi.

Image may contain: 1 person, beard
Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: 1 person, indoor
Image may contain: 1 person, suit

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Gudoomiyaha Guddida Xanuunka COVID19 oo geba gebadii kulankaasi soo xidhay ayaa u mahad celiyey Dhakhaatiirta iyo Culimada sida ay usoo ajiibeen kulankaasi, waxaana uu ku boggaadiyey in maanta la joogo wakhtigii la samayn lahaa gurmad balaadhan oo dhankasta ah si bulshada loo badbaadiyo.

Image may contain: 1 person
Image may contain: one or more people
Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: one or more people


Wa Bilaahi Tawfiiq

Loading...
Loading...