Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay Maalinkasta Shacabka La Socod-siinayso Xaaladda COVID 19

0
Wednesday April 01, 2020 - 19:49:28 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay Maalinkasta Shacabka La Socod-siinayso Xaaladda COVID 19

    Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay Maalinkasta Shacabka La Socod-siinayso Xaaladda COVID 19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay Maalinkasta Shacabka La Socod-siinayso Xaaladda COVID 19

Hargaysa(HWN):-Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in si maalinle ah ay bulshadda ugala hadli doonto wixii jira iyo waxyaabaha soo kordha ee la xidhiidha xanuunka Corona Virus.


Tallaabadani ayaa imanaysa iyadoo shalay ay wasaaraddu shaacisay in labadii qof ee u horeeyay oo qaba Xanuunka Covid-19 laga helay dalka.


Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay si joogto ah maalin kasta dadweynaha ula hadli doonaan.

Dr. Xergeeye, waxa kaloo uu sheegay in ay diyaariyeen goobaha loogu tallo galay in lagu dabiibo dadka uu haleelo Covid 19.

"Maanta waxaannu bilownay in Wasaaradda Caafimaadku ay Shacabka u soo gudbiso Maalinkasta wixii soo kordha ee ku saabsan Xanuunkan aanu shalay ku dhawaaqnay innuu dalka ka jiro ee COVID 19. Sidaad la socotaan shalay ayaanu ku dhawaaqnay labaddii Kiis ee ugu horreeyay dalkeenna oo la xaqiijiyay inay qabaan Xanuunka CORONAVIRUS, ilaa haddana xaaladdu waa sidii oo labaddaas Kiis ayaanu haynaa.

Wasaaradduna waxa ay bilowday inay daba-gasho meelihii ay tageen iyo dadkii ay xidhiidhka la sameeyeen. Waxa kale oo Wasaaradda Caafimaadku diyaarisay goobihii lagu daawayn lahaa dadka lagu arko Xanuunka COVID 19, Alle ha innaga badbaadiyee, laakiin haddii ay soo baxaan Kiisas cusub oo COVID 19 ah dhammaan gobollada oo dhan waxaanu diyaarinay Cusbitaalladii lagu daawayn lahaa dadkaas." Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...