Masuul Iska Casilay Xisbiga Kulmiye Oo Muuse Biixi Ku Eedeeyey Dhaga Adayg Iyo Majarahabaabinta Somaliland

0
Wednesday April 01, 2020 - 16:33:14 in News by
  • Visits: 2122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Iska Casilay Xisbiga Kulmiye Oo Muuse Biixi Ku Eedeeyey Dhaga Adayg Iyo Majarahabaabinta Somaliland

    Masuul Iska Casilay Xisbiga Kulmiye Oo Muuse Biixi Ku Eedeeyey Dhaga Adayg Iyo Majarahabaabinta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuul Iska Casilay Xisbiga Kulmiye Oo Muuse Biixi Ku Eedeeyey Dhaga Adayg Iyo Majarahabaabinta Somaliland


Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye ee Dalka Maraykanka Eng Farxaan Axmed Maxamuud, ayaa shaaciyey inuu xilka iyo xubinnimadiisii Xisbigaasba iska casilay, ka dib markii uu arkay in hoggaanka Xisbigu ay ku fashilmeen himiladii loo abuuray Kulmiye iyo hoggaaminta habboon ee laga filayey Xukuumadda talada haysa wakhtigan ee Kulmiye.




Eng. Farxaan Axmed, ayaa Warqadda iscasilaaddiisa u gudbiyey Hoggaanka Xisbiga ee ay khusayso, sidoo kalena madaxda sare ee Xisbiga ogeysiin ka siiyey, waxaanu sababeeyey waxa ku kallifay inuu is-ka casilo xilka iyo xubinnimada Kulmiye oo uu sheegay inuu la soo shaqaynayey ku dhawaad labaatan sannadood xubin buuxda ka ahaa, xilal kala duwanna ka soo qabtay Xisbiga Somaliland illaa Maraykanka.


War-saxaafadeedka uu is-casilaaddiisa ku shaaciyey Guddoomiye ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye ee Maraykanka Farxaan Axmed Maxamuud ayaa u dhignaa sidan.


"Ref: XK/USA/00013/2020 Date: 30/03/2020

Ku: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Hargeysa

Ku: Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Hargeysa

Ku: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerica Canada

Og: Guddiga Fulinta Xisbiga kulmiye ee dalka Maraykanka USA

Og: Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka USA

Og: Laamaha iyo Xafiisyada Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka USA

Ujeeddo: Is-casilaad Xilkii iyo Xubinimadii Xisbiga;


Aniga oo magacaygu yahay Eng /Farxaan Ahmed Maxamuud ahna Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka, xubin firfircoonna ka ahaa Golaha Dhexe ee Xisbiga oo aan ku soo jiray ilaa 2002-dii markii la aasaasay, xilal kala duwanna ka soo qabtay, waxaan madaxda sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaa kuna war-gelinayaa inaan iska casilay xubinimadii Golaha Dhexe iyo Xilkii Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga ee dalka Marykanka Maraykanka.


Go’aanka is-casilaaddayda, waxa aan gaadhay kaddib:

Markii aan arkay: Sida indho-la’aanta ah ee hoggaanka xisbigu isaga indho-


tiray inay u hoggaansamaan ujeeddooyinkii loo aasaasay iyo sababihii aan ku raacay inaan xisbiga ugu ololeeyo oo ay noqotay hal bacaad lagu lisay.


Markii aan arkay: Baahida faraha badan ee dalka ka jirta oo taladii xisbiga ee siyaasaddiisa lagu maarayn lahaana ay maroorsadeen shaqsiyaad gaar ah.


Markii ay soo baxay in : Siyaasaddii xisbiga Kulmiye ku ololeeyey ee Shacabku ugu codeeyey hoggaanka xisbiga ee uu ka mid yahay madaxweynuhu oo dhag jalaq loo siin waayey.


Markii aan arkay: Inuu waddankii furfurmay oo uu galay xaalad cakiran.


Markii aan Garowsaday: In Xisbiga Kulmiye labadii jeer ee uu hoggaanka dalka


gacanta ku hayey in Somaliland wax ka sii dhaca mooyaane aanay waxba u kordhin.

Markii aan arkay: Inaanay jirin tallaabo uu xisbigu ka qaaday iyo siyaasad uu ku wejahayo isu-soo-dhawaynta bulshada Somaliland iyo dawaynta xanaftii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada Nov 2017.


Markii aan arkay: In hoggaanka maanta talada xisbiga iyo dalka gacanta ku hayaa ku fashilmay siyaasadda Arrimaha dibadda ee dalka, isla markaana uu ka baydhay siyaasaddii xisbiga loo jeexay ee uu ku shaqaysan jiray Kulmiyihii uu Md Axmed-Siilaanyo maraha u hayey.

Markii ay soo baxday: Inaanay jirin siyaasad qorsheyaal ku dhisan oo hoggaanka dalka iyo xisbiguba u marayaan fulinta ballan-qaadyadii uu sameeyey iyo ka-midho-dhalinta ujeeddadii siyaasadeed ee mabaadii’da xisbiga lagu dhisay.

Markii aan arkay: Inay meesha ka baxday nidaamkii dimuqraadiyadda iyo is-toosinta ee gudaha xisbiga Kulmiye ku soo caano maalay, waxna layska dhagaysan waayey, taageerayaasha xisbiga laftoodu ka biyo-diidan yihiin.

Markii aan: La tashi la sameeyey Madaxda Xisbiga ee aanu Isku afkaarta nahay ee ka biyo-diiddan siyaasadda la majara-habaabiyey e Xisbiga.


WAXAAN GO’AANSADAY;-

Inaan Iska casilo xilkii Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Maraykanka


Inaan iska casilo Xubinimadii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka.


Inaan iska casilo xubinimadii Guddiga Fulinta Xisbiga ee dalka Maraykanka.


Anigoo ku faaxsan inaan wakhtigayga, maalkeyga iyo xooggayba u soo huray dhismaha Xisbiga iyo Inaan la soo shaqeeyay Labada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi ee ku yimi Guushii Xisbiga Kulmiye ka soo hooyay doorashooyinka dalka.


Waxaan aaminsanahay inay Sharaf ii tahay inaan la soo shaqeeyo labadaas madaxweyne, taariikhdana way ii galaysaa, waanan uga mahad-celinayaa wada-shaqayntii fiicnayd ee muddadaas 20-ka sanno ku dhow na soo martay.


Xilalka aan ka soo Qabtay Xisbiga Muddadaas 20-ka sano ku dhow, ayaa kala ah sidan:-


Muddadii u dhaxaysay 2002 illaa 2007, xubin ka mid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.


Sannadihii 2003 illaa 2005, waxaan ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Degmada 26 Juun ee magaalada Hargeysa.


Intii u dhaxaysay 2010 illaa 2012 Xubin Golaha Dhexe ah.


Muddadii u dhaxaysay 2014-kii illaa 2016-kii waxaan ahaa Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga America.


Loading...
Loading...