War Deg Deg Ah: Muuse Biixi Oo Cudurka Coronavirus Awgii Cafis Ufidiyay 574 Maxbuus
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Cafis
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa
5aad;
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;
Markaan
Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay
TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;
Markaan La-tashaday: Hay'adaha Ay Khusayso;
Waxaan Go’aansaday;
In
laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada
aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan
tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma
laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay
ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa
cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo
liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse
Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.