Somaliland Odayaal COVID-19 Damiintay (Abdi Shotaly).
(a) Odayadu ma xanuunka bay mansuul ka yihiin, oo ay leeyihiin cid kale kuma dhici kartid, ee xanuunaw ku sinaw qofka aad ku jirto ama lagaaga shakisan yahay?
(b) Ma qofka qaba ee suuqa lagu siidaayey, ee raacaaya basaska, magaaladda dhex maraya, bay damiinad qaadayaan, in ciddii ay la kulmaa aanay ka qaadi doonin?
(c) Ma xanuunka bay xukumaan, oo ay amar ku siinayaan in aanu faafin?
(d) Ma odayadda bay si qarsoon u dilayaan, oo leeyihiin iyaku ha ka qaadeen markay la kulmaan dad-kaas?
(e) Odayadu ma qofka ay u gudbi-yeen, kuwa ay damiinteen, bay mag-toodda bixinayaan? Haddii tii alle ku timaado.
(f) Haddii ay odayadda laf-toodu qaadaan, yaa iyaka ka mansuul ah? ma waxa qaad-siiyey kuway damiin-teen, mise askarta u dirtay in ay damiintaan?
Bal iiga jawaaba ummad yahay, oo sababta odayadan telefoonadda looga qortay, ee loo yidhi damiinta Dadkan aan sare ku soo sheegay ( wixii qaba illaah ha ka saaro'e) Wixii looga shakisan yaha-na illaah kuma rido'e) oo kuli-geen-ba mid gudda jooga iyo mid debed jooga-ba ha inaga naabd geliyee, Waxa uu ka sheegta wasiirka arimaha gudahu ( Geenyo shaaximani) uu ka saxeexay odayadda ee ay qaban karaan maxay tahay? Waxa cadaan ku ah oo aanay dafiri karin, in ay iyaku fidinayaan xanuunka, uguna tallo galeen in gaar ah. Waxase la yaab leh oo ay la tahay askarta, Xanuunka ka soo bilaabmay Shiinaha, ee wakhtiga yar ku wadda gaadhay daafaha caalamka, in aanu " Xaafad-tooyadda" Ugu iman doonin Labadan askari? Waa kuwaynu ogayn iyo maskax-dooddii qudhmuunayd, ee waxay is leeyihiin malaha idinku waad ka bad-baadaysaan, wayse marin habaabeen.
Waxan ku soo xidhay qoraalkan, kuwani waxay wadaan weli ma cas-casa ( Illaah ha inaga hayee). waxay-se ku tallo galeen, in aanay wax-ba inaga reebin, Halkii uu aduunka kale meelo gaar ah, dadka uu saameeyey cudurkan laga helay, ee laga karantii-meeyey inta caafimaadka qabta, oo laga dhex saaray kuwa aanu weli soo gaadhin ama ku dhicin, la yidhi xataa la isma salaami karo, laba mitir ha la isu jirsado, wixii guriga fadhiyi karaana, ha ku ekaadeen hoyga ay ku nool-yihiin, maskaxdda askartu waxay amartay in dadkii sidaas ahaa suuuqa lagu fasaxo, saw wax ka soo hor jeedda dad-nimadda maaha? Wayse ka badheedheen, waxana ay is leeyihiin in gaar ah qaad-siiya iyo xaafado khaas ah. Akhristaw su'aasha aan ku soo gabaga-beeyey, waxay tahay maqaalkan. "Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani" Sidaas ma kaga sabata baxayaan iyaku bay idn la tahay? Mase noqonaysaa siday u qorshays-teen? Oo inta ay rabaan in uu ku dhaco gaar ma u helayaa? intay iyaku ka nabad galaan? Ma og-yihiin in ay illaahay leeyihiin? Oo uu kaga duwi doono, colaadda ay u hayaan maamulka " xaafad-tooyadu" Insha-allaahu, illaah qaadsiin maayo, oo haleeli-maayo, dhamaan ummadda reer somaliland iyo islaamka-bana wuu ka nabad gelin doonaa, laakiin waa in aad ogaataan, in ay askartu ka talisay dabar go'a shicibka toodda markii hore-ba u liitay, ee macaluusha beerka ku hayey, waxay la meerayaan maamulka ku jira Guriggii Moorgan, iyaka baa ka sheekayn doona wakhti ay la gaadho-ba.
* N.B Weger Iyo Ka Waaweyn,Tani Waa Ka Waasacan!
Qore:_ Abdi-shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!