'' Ilaahii joogay baa jirra '' .

0
Wednesday April 01, 2020 - 09:27:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Ilaahii joogay baa jirra '' .

    Sanadkii 1988 waxaa dhacay sadex imtixaan oo waawayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkii 1988 waxaa dhacay sadex imtixaan oo waawayn
oo mid waliba waayihiisa iyo warkiisa lahaa , kaasoo la odhan karro mid waliba xanuunkan la hadal hayo gaarkiisa ayuu uga waynaa .

 

1- Mar keliya waxaa lagga qaxay oo laga dhaqaaqay dhulka u dhaxeeya Gabiley ilaa Ceergaabo , dhamaan dadka intaas oo magaalo iyo degmo degen oo ka faradha madhan hanti oo dhan ayaana isugu yimi meel banaan oo qaxoonti ah .

 

Dadkii faraha madhnaa ee qaxoontiga isugu yimi , xiliga oo dhulku qoyanaa , saxariir iyo saxa-xumo iyo dayacii ay la kulmeen awgeed waxaa ku dhacay laba xanuun oo saf mara kuwaasoo kala ahaa .

 

1- Kaneeco/Duumo .

2- Joonis .

 

Masiibadaa waxaa ku baxay dad laggu qiyaasay 140 kun oo qof, qoys aan jiradaasi gaadhin oo aanay dad ka galaafanina ma jirro .

 

2- Gumaadkii iyo xasuuqii Dawladii Soomaaliyeed shacabka kula kacday oo isna ah wax aan la arag oo la maqal ayaa isna sanadkaa dhacay .

 

3-Dhibka kale oo isna sanadkaa bilowday wuxuu ahaa ,dadka labadaa masiibo , ee xanuunadda iyo gumaadku halakeeyeen ayaa hadana uu ku socday dagaal saf balaadhan ah oo mar keliya ka socday Ceergaabo ilaa Gabiley , kaasoo maalin walba khasaare joogto ihi ka dhacayay .

 

Ilaahay fadligii dadkii waxaasi soo mareen , caawa waakaa buux dhaafiyey meel walba , ee magaalo waliba toban jibaarantay ee shanta qaaradood meel walba buuxa .

 

Sidaa darteed maanta oo dadku nabad qabo , ladan yahay , barwaaqo iyo nimco laggu jirro , dadka cabsoonaya ee warwarsan waxaan leeyahay , Walaalayaal Ilaahii joogay baa jirra , Ilaahii waxaas oo masiibo ah inaga soo saaray ayaana aynu hoos joognaaye isaga tallo saarta isagaa inagu filane , wixii awaamiir iyo tollo caafimaad la ina farana halagu dadaalo .

 

# Farxalo oo feejignoow #

 

W/Q:  Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...