Muuse Biixi Oo Saxeexay Dhaqan-gelinta Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Isgaadhsiinta.

0
Wednesday April 01, 2020 - 08:37:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Saxeexay Dhaqan-gelinta Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Isgaadhsiinta.

    Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa
la sheegay inuu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay goleyaasha Baarlamaanku ku sameeyeen xeerka isgaadhsiinta ee dalka.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ku xaqiijisay in Madaxweyne Biixi saxeexay xeerkan, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu dhawaan saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerkaas, waxaanu saxeexa Madaxweynaha ka dib xeerku noqonayaa mid dhaqan gal ah.

 

Goleyaasha guurtida iyo wakiilada ayaa horaantii bishan March waxay cod aqblabiyad ah ku meelmariyeen in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeerka isgaadhsiinta golaha wakiilada, waxaanu isbedelkani meesha ka saarayaa heshiis ay xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo la gashay shirkadda SOM Cable oo ay golaha wakiiladuna ansixiyeen.

 

Wax ka bedelkan uu Madaxweyne Biixi imika saxeexay ayaa wuxuu meesha ka saarayaa xeerkii hore ee xeer Lr. 50/2011.”

 

Madaxweyne Siilaanyoy ayaa bishii Jullay ee sannadkii 2011 wuxuu isaguna  digreeto ku dhaqan geliyay xeerka Isgaadhsiinta dalka oo ay markaas ansixiyeen labada golel Baarlamaan.

 

Si kastaba ha ahaate, sagaal sannadood ka dib 2011-2020 waxa meesha ka  baxay heshiiskii dhex maray xukuumadii hore iyo shirkadda SOM Cable.


Loading...
Loading...