Masuuliyada Xakamaynta Xanuunka Waxay Saaran Tahay Xukuumada....W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil

0
Tuesday March 31, 2020 - 21:12:13 in Articles by
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyada Xakamaynta Xanuunka Waxay Saaran Tahay Xukuumada....W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil

    Masuuliyada Xakamaynta Xanuunka Waxay Saaran Tahay Xukuumada....W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyada Xakamaynta Xanuunka Waxay Saaran Tahay Xukuumada....W/Q Guuleed Maxamed Ismaaciil


Masuuliyada umaddu ee xakamaynta cudurkani waxay saarantahay xukumaddeena iyada ayay ahayd inay dadka ka joojiso diyaarada ka imanaysa dalalka dibada ee cudurkani aafeeyey , masuuliyad darro wayn ayaa ka muuqatay hakin la'aanta diyaarada rakaabka laba dhigaysay !

Gullied Moh Ismacil's Profile Photo, Image may contain: 1 person, smiling, sunglasses


Imika iyo haatana waxaan xukumadda kula talinayaa inay masuuliyad iska saarto shantan qodob iyo wixii kale ee loo arko inay umaddana samato bixin karaan.


1. In ay joojiso Ethopian Airline oo ah diyaarada kaliya ee hada wadanka timaada
2. In magaalooyinka dalka bandow la saaro wixii ka dambeeya salaada casar inta ka horaysana aan la ogolaan goobaha dadku ku kulmaan sida Maqaaxiyaha, Masaajidada iwm.


3. In la joojiyo isku socodka magaalooyinka waddanka muddo


4.in la diyaariyo goobihii lagu dawayn lahaa hadii cid uu soo rito cudurkani ugu yaraan gobolkasta xarun ama laba xaruumood .


Sidoo kale in lagu dadaalo in la abuuro goobo dadka cuslaada la geeyo (ICU)


5.in la abuuro jawigii Dawlada , Ganacsatada , Dhakhaatiirta , Culimada iyo Shacbigu uga wadda shaqayn lahaayeen Aafadan dundda ku habsatay ee maanta dadkeena soo gaadhay .


Ugu dambayn intaba waxa ka muhiimsan ee ay tahay inay umaddeenu uwada jeesato ducada iyo Alla barriga oo ah ta kaliya ee illaahay inagaga samoto bixin karo dhibaatadan dunidda la soo deristay.


Allahayow adaa awood lehe umaddaadan masaakiinta ah ka badbaadi caabuqan dunidii saameeyey Aamin Aamin Aamin Aamin.

Gullied Moh Ismacil

 
 
 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...