War Deg Deg Ah:-Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Laba Qof Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus.
War Deg Deg Ah:-Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Laba Qof Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus.
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa goordhawayd shaacisay laba qof oo laga helay xanuunka Coronavirus kuwaas oo ku sugan gudaha somaliland.
Wasiirka caafimaadka somaliland Cumar Cali Cabdilaahi oo ka mid ah guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus oo goor dhawayd warbaahinta kula hadlay xarunta wasaarada ayaa sheegay in laba qof oo ku kala sugan magaalooyinka Burco iyo Berbera laga helay xanuunkaasi.
Wasiir Cumar ayaa sheegay in labada qof ay kala yihiin nin u dhashay wadanka Chine oo ku sugan magaalada Berbera isla markaana arimo ganacsi u joogay iyo nin u dhashay somaliland oo dhawaan ka soo laabtay wadanka UK kaas oo ku sugan magaalada Burco.
Loading...
Loading...