Tirada Dad Somaliland Ka Tagay Oo Maamulka Puntland Karantiimo Galiyey

0
Tuesday March 31, 2020 - 15:31:54 in News by
  • Visits: 1734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Dad Somaliland Ka Tagay Oo Maamulka Puntland Karantiimo Galiyey

    Tirada Dad Somaliland Ka Tagay Oo Maamulka Puntland Karantiimo Galiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada Dad Somaliland Ka Tagay Oo Maamulka Puntland Karantiimo Galiyey

Puntland ayaa xaalad karantiil ah galisay 10 qof oo ka yimid dhinaca Somaliland, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo katirsan guddiga xakamaynta iyo wacyi galinta cudurka Coronavirus.




 
 
Wasiirka caafimaadka ayaa hadalkaan ka yidhi, kulan uu guddigu maanta la qaatay warbaahinta Puntland, wuxuuna tilmaamay dadkaan oo kasoo jeeda Puntland in loo karantiilay, si loo hubiyo inuu jirkooda ku jiro fayraska Covid 19 iyo in kale, iyagoo muddo 14 cishe ah lagu hayndoono xarunta karantiilka Garowe.


Tirada guud ee dadka haatan lagu karantiilay Puntland ayaa ka dhigan 15 qof, oo afar kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Hindia, inta kalena ay yihiin Soomaali reer Puntland ah.


Dhinaca kale Puntland, ayaa caawa siidaynaya warixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda cudurka iyo dadaalada uu maamulku uu wado. sidoo kale, waxaa berito dhaqan galidoonaa bandow lagusoo rogidoono isku socodka dadka.


Madaxweynaha Puntland ayaa ah guddoomiyaha guddiga la dagaalanka Coronavirus, iyadoo dhamaan golaha wasiiradda shaqadoodii laga dhigay la dagaalanka cudurka.
Loading...
Loading...