Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland & Beesha Caalamka Ee Xilligan

0
Tuesday March 31, 2020 - 09:16:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland & Beesha Caalamka Ee Xilligan

    Hargeysa (HWN) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xanuunka khatarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xanuunka khatarta
ah ee Coronavirus ee sababay inuu isku socodkii caalamku go’doon galo, iyo samaaynta uu ku yeedhay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd Beesha Caalamka.

 

Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo dalka dibeddiisa ku sugan ayaa sidoo kale ka hadlay qadiyadda madax-banaanida Somaliland, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya  Coronavirus "Dalka waan ka maqan nahay, laakiin Bulshadeena Somaliland waxaan ku boorinayaa, oo aan ku gubaabinaya, kulana alinayaa inay aad isku ilaaliyaan, oo aad u ilaaliyaan caafimaadkooda, isla-markaana qaatan tallooyinka Guddida uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi magacaabay, ee mar walba ku hawlgan badbaadinta inay Bulshadooda wacyigelinayaan, illaa haddana Guddidu si fiican bay wacyigelinta u wadaa, xittaa Bulshada dhexdooda waxaa laga rabaa inay is dhiirigeliyaan, wixii tallooyin ahna kala qaatan, aadna ugu dadaalan ilaalinta nadaafadda iyo faya-dhawrka”.

 

Mar aanu wax ka weydiinay xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo Coronavirus samaaynta uu ku yeeshay ayaa ku jawaabay "Xanuunka Coronavirus wuxuu hakad galiyey, saamayna ku yeeshay wax walba, waxaanu sababay in dalalkii Calaamku uu dal walba samaayn xooggan uu ku yeeshay, inagu’se xidhiidhkii wanaagsanaa ee aynu la lahayn Caalamka waa sidiisii.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlaya qadiyadda Somaliland ayaa yidhi "Dal ka mid ah Caalamka, ayeynu nahay, dal jira oo u baahan aqoonsi caalamiya ayeynu nahay, waxaynu nahay dal bisayl siyaasadeed leh oo dimuqraadiyadda, nidaamkiisa dawladnimo u dhamaysitran yahay, xasilooni taama iyo kala dambayn leh, dal hay’addihiisi dawladnimo u dhamaystiran yihiin, oo leh Madaxweyne Shacabkiisii doorteen, leh Hay’addihii sharci dejinta, fulinta iyo Garsoorka ayeynu nahay, waxaynu nahay dal leh Xisbiyo, Ciidamo u gaar ah, lacag u gaar ah iyo calan u gaar ah, sidaas awgeed waxaanu diyaar u nahay in Beesha Caalamka ku qancino jiritaankayaga dawladnimo iyo mawqifka qaranimadayada, ee aan maranaba tanaasulka lahayn, qaranimadaas oo Shacabkayagu isla garteen, markaas maadaama aanu ka mid nahay Caalamka, xaq baanu u leenahay in aanu Caalamka ka helno aqoonsi caalamiya, haddii aanu nahay Xukuumadda Somaliland waxaanu diyaar u nahay in aanu kaga dhabayno himilada shacabkayaga iyo in aanu raacno jid kasta oo aanu aqoonsi ku keenayno, laakiiin meel kasta oo ay Shacabka reer Somaliland joogaan dal iyo dibedba waxaa laga rabaa inay ka wada shaqeeyaan qaranimadooda iyo inay ahaadaan mar walba muwaadiniin wax walba ka door bidaan qadiyadda madax-banaanidooda”.


Loading...
Loading...