'' Ha Inala Degtee Jooga Waa Damacsanaydeene ''.

0
Sunday March 29, 2020 - 09:30:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    '' Ha Inala Degtee Jooga Waa Damacsanaydeene ''.

    Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi waagii 1960

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi waagii 1960
aynu xornimada qaadanay ayaa ina cigaal iyo xisbigii uu hogaaminayay ee SNL Mogdisho iyo koonfurlooga taagi waayey ,Xisbigii Nuf ee lahaa inoo kaadiyana waa la diidey .


Dabeeto 1961 ayaa Cigaal oo dawladii iska soo casilay meeshiina waxba kasoo waayay qudbad ka jeediyey Khayryadda Hargaysa , markaasuu isagoo ka waramaya waxa uu Mogdisho kala kulmay yidhi '' Calankii iyoDawladdii aynu qaadanay faro madhan baynu ka joognaa ''



Markaasaa Abwaan Cabdi Iidan oo ahaa xisbigii waagaa la diidey ee NUF , ugu jaawabay ,


Doonidii shiraacii qarxee dakhalki iimoobey ,


Ee dareewalkii waday ka degey daafta ugu boodey ,


Dusheedaynu wada saaranahay iyo dacaladeedaase ,


Ha inala degtee jooga waa damacsanaydeene .


Imika Boqor buurmadow oo qawadsan Madaxwaynuhuu shalay sanka inaga geliyey iyo Weriye Heelo oo ahaa weriyihii xayaysiiska iyo boorobagaanka u qaabilsanaa waxaynu leenahey ,


Doonidii aad inoo rarteen saw ma wada saarnin

, ha inala degtee jooga waa damacsanaydeene


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...