101 Jir Ka Caafimaaday Cudurka Coronavirus

0
Sunday March 29, 2020 - 08:56:44 in News by
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    101 Jir Ka Caafimaaday Cudurka Coronavirus

    101 Jir Ka Caafimaaday Cudurka Coronavirus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

101 Jir Ka Caafimaaday Cudurka Coronavirus


Hargeysa(HWN):- Nin u dhashay dalka Talyaaniga oo ay da'diisu tahay 101 jir ayaa noqday ninki ugu da'da weynaa oo ka caaafimaado cudurka Coronavirus.

Dalka Talyaaniga ayaa noqday dal uu ku habsaday masiibada cudurka safmarka ee Coronavirus. Haddana dalkaasi waxaa ka soo baxaya warar la yaab leh oo muwaaddiniinta dalkaasi ididiilo ku abuuraya.

Oday 101 jir ah oo ku noolaa magaalada Rimini ee Waqooyiga Bari ee dalka Talyaaniga waxaa haleelay cudurka Coronavirus.

Muddo marki cudurka laga dabiibayey Khamiisti ayuu isbitaalka ka baxay isaga oo caafimaad qaba.

Odaygan naaneystiisa looga yeero lagu soo gaabiyey 'P' inuu caafimaaday waxaa warbaahinta la wadaagay duqa magaalada Rimini Gloria Lucy.

"Runti waa arrin aan la aamini karin, odayga da'da ah inuu cafimaadana raja aad u weyn ayey nagu abuureysaa" ayey tiri Gloria Lucy

"Mr 'P' isaga oo uu caafimaadkiisa taam yahay ayuu dib ugu laabtay gurigiisa" ayeyna sii raacisay.

Source BBC

Hadhwanaagnews

Hargeysa/office


Loading...
Loading...