Xaalkeennu Ma Xaal lubnaan baa, Arrinkeennu ma Arrin Taraam baa, Mise Siyaasadeena Is-dhufaan ah?

0
Sunday March 29, 2020 - 08:57:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalkeennu Ma Xaal lubnaan baa, Arrinkeennu ma Arrin Taraam baa, Mise Siyaasadeena Is-dhufaan ah?

    W/Q: Khadar Jicsin Nuux

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Khadar Jicsin Nuux

Dadweynaha Soomaalilaan ayaa waxa ay su’aallo  iska-weydiinayaan sababta ay xukuumaddu u joojin la’dahay diyaaradda Itoobiyan Airline. Iyada oo la ogyahay inay Itoobiya tahay waddamada uu ku jiro cudurka Korona. Sidoo kalena la ogyahay inay diyaaraduhu yihiin sababta koowaad ee faafisa xannuunka. Jaadka oo isna sida daadka weli ugu soo shubmaya soona walwaali kara cudurkan, ayaa sidoo kale la is-weydiinayaa sababta ay xukuumadu uga warwareegsayso joojintiisa. Xaqiiqda jawaabaha su’aalahaasi waxa haya cid qudha oo xukuumadda ah. Laakiin se dadku waxbay malayn karaan, malaha badhkiina waa dembi ee maaha dhammaantii. Anigu waxa aan malaynayaa in sababtu tahay afar arrimood midkood ay tahay:



·        In xaalkeennu yahay xaal-Lubnaan, oo ah waddan majaraha taladiisa uu hayo ururka Xisbullah oo ah urur shiico ah oo ku xidhan dalka Iiraan. Lubnaan waxa ay maanta ka mid tahay waddamada uu xannuunku dhexqaaday waxaana looga soo waariday Iiraan. Xukuumada Lubnaan ee uu taageero Xisbullah ayaa maqli weyday qaylada dadkeeda, iyo digniino ay bixinayeen safaaradaha shisheeye ee dalkaasi. kuwaasi oo ku baaqayey in la joojiyo diyaaradaha ka imanaya Iiraan, waxa lala yaabo maah ee rumuudka laga hago Lubnaan wuxuu yaalla Iiraan.


·        In arrinkeennu yahay arrin Taraam, oo xukuumadeennu la fikir tahay madaxweyne Trump. Halka maanta madaxda adduunku keliya ee ay ka fikirayso badbaadinta dadkooda, ayuu Trump ka fikirayaa badbaadinta dhaqaalaha. Wuxuu si cad u yidhi daaweynta xannuunku maaha inuu masiibo ka weyn keeno, wadankana 15 cisho ka dib waan furaya. Halka madaxda kale ay fulinayaan waxa ay dhakhaatiirku u sheegaan, isagu wuxuu iska reebay dhakhtarkii qaranka. Waxaanu sheegay inay dhakhaatiirku wax waalayaan oo ay dalka xidh uun garanayaan. Saxaafadda Maraykanka ayaa ku sifaysay arrinkan Trump dadka iyo doolarka, doolarka ayaa u daran. Laakiin Maraykanka waxa u nasiib wanaag ah in aanu keligii ka talin.Dadweynaha Maraykankuna iyaga oo arrinkan si dhakhso ah uga jawaabaya waxa ay yidhaaheen” u dhiman mayno World Street, oo ah suuqa saamiyada”.  Aqoonyahankooduna wuxuu sheegay in arrinka Trump haddii uu fulo uu keeni karo dhimashada 1.7 Milyan qof oo Maraykan ah.


·        In siyaasadeennu tahay is-dhufaamid, oo ah inay xukuumaddu la ficiltamayso Farmaajo. In xilligan iyo duruufta maanta Farmaajo lagula ficiltamo diyaarad Hargaysa timaadaa waxa ay la masal tahay ninkii doonay inuu xaaskiisa ka xanaajiyo ee is-dhufaamay, sida ay xigmadi tidhaa. Adiga oo doonaya inaad qof wax gaadhsiiso oo wax is-gaadhsa, waa nooc xigmada la’aan ah.


·        In aqoondarradu tahay garashadeenna, oo ah in habka xukuumadeennu  u karantiimaynayso dadka diyaaradaha la socdaa uu yahay mid khaldan, waana midka ay Yurub qaadatay ee  anficin waayey. Karantiinka saxda ahi, waa in aan qofka Adiis ababa joogaa aanu Hargaysa iman, ee maaha Hargaysa in lagu karantiimo. Habkani wuxuu waafaqsan yahay qaabkii Nebi Maxamed sheegay (NNKHA) , waana qaabka ay mareen dawladaha Eeshiya oo ay caddaatay in faafitaankii xannuunku uu soo yaraaday.


Ugu dambeyntii su’aasha ah, maxay xukuumadeennu u joojin weyday diyaaradda Itoobiya iyo jaadka ka yimaado Itoobiya? Khulaasaha jawaabta s’aashani waxa ay noqonaysaa sidan:  kow, waxa dhici kara in xadhigeenna laga jiido xaggay diyaaraddu ka timaado, sida Lubnaan oo kale. Laba, waxa dhici kara inay lacagi inoo daran tahay, sida Trump oo kale. Saddex, waxa dhici kara, in aan Farmaajo la ficiltamayno, ficiltankaas oo ah is-dhufaamid. Afraad, in aqoondarro jirto.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...