Somaliya Oo Wax Laga Waydiiyay Diyaarada Ethiopian Airlines Ee Hargaysa Tagta, Xayiraad Cusubna Soo Rogtay
Wasaaradda
gaadiidka iyo duulista hawada ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku saabsan in ay
xayirayso duulimaadka maxaliga ah ee gudaha dalka, kadib markii dhawaan ay
dowladda ku dhawaaqday in ay hakisay duulimaadka caalamiga ah.
17-ki Bishi March waxay dowladda Soomaaliya soo saartay go'aan ah laga billaabo 19-ka bisha March ay ku joojisay dhammaan duullimaadyadi caalamiga ahaa ee dalka Soomaaliya soo gali jiray ama ka bixi jiray. Go'aankaasi oo si buuxda uga dhaqan galay dalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda duuliska Somalia Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar oo BBC uga warramay ayaa sheegay sababaha loogu baahday in maanta la xayiro duullimadyada diyaaradaha ee dalka Soomaaliya gudahiisa isaga gooshayey.
"Maanta waxaan go'aan ku gaarnay si loo xakameyo cudurka Coronavirus uu waddankeenna u soo gelin in iisu socodka la yareeyo, waxaana lagu yareeyn karaa oo ugu horreeya waa duullimaadyada sidaa awgeed waxaan hakad gelinnay si ku meel gaar ah waddanka gudahiisa. Ujeeddada aan ka leennahay keli ah waaa xakameynta cudurka Coronavirus hadduu ilaahey ka raallo noqdo, ilaahey ha ka raalli noqdee" ayuu yiri Wasiir Omaar.
"Runtii hal maalin oo safar la fasaxo ayaa waxaa ka iman karo wax aad ugu weyn marka hadda xilligan aan ku jirno xilli laga hadlo tikidhyo lacagtooda lumay iyo waxaa laga hadlo ma aha waa xilli loo baahan yahay xilli in la isgarab istaago, la iisu dulqaato la fiiriyo danta guud iyo badqabka dadkeena la fiiriyo."
"Marka taas awgeed ayaa waxba waxa ka weyn ayaa la fiiriyaa waxaa ka weyn caafimaadkeenna, sidaas awgeed ayaa inaga oo og iney jiri karaan dad qorsheystay barri iyo saad damababa safraan iyaga oo jira ayaa waxaan go'aan ku gaarnay inaan joojinno sababta oo ah waxaa ka weyn safarka uu qof soo geli karo" ayuu yiri wasiirku.
Wasiirku mar wax laga weydiiyey go'aan hore ay u soo saareen iney jireen balse ay diyaaraduhu weli tagaan deegaannada qaar marka xayiraadda aad sameyseen maxay tahay? wasiirku wuxuu ku jawaabay.
"Deegaannada qaar ay tagaan inaan ula jeeddo Hargeysa ayaan u maleynayaa, Hargeysa oo keli ah waxaa tagta diyaarad Ethiopian Airlines iyadana waxay ku tagtaa is afagarad, ... diyaaradaha kale oo dhan dhammaantood ama Fly Dubai ha ahaato ama kuwa kale ha ahaadaan dhammaantood wey istaageen sidaas awgeed waxaan rajeeyneynaa ineyxayiraaddaasi shaqeysay ayan rajeeyneynaa" ayuu yiri Wasiir Omaar.
"Isafagarada heshiis ah oo iney waddo Ethiopian Airlines duullimaadyadeeda si joogta ah ugu waddo Hargeysa ma aha waxaan ka hadlayo, waxaan ka hadlayaa inta ay ka dhamaanayaan dadki meelahaasi ku soo jiray oo labadi maalmood ay ku filnaan weysay ayaa waxaan isku afgarannay in dadka ay soo gelineyso Hargeysa la karantiilo oo la mariyo Process-yadi oo idil la marsiiyo isagana wuu istaagayaa hadduu ilaahey ka raalli noqdo" Wasiirka Wasaaradda Duuliska Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar oo BBC u warramay.


0 





