Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Cudurka Coronavirus Ee Caalamka

0
Sunday March 29, 2020 - 08:27:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Cudurka Coronavirus Ee Caalamka

    Tirada dadka cudurka coronavirus ugu dhintay waddanka Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada dadka cudurka coronavirus ugu dhintay waddanka Mareykanka

ayaa waxa ay dhaaftay 2 kun, taas oo ka dhigan in laba maalmood gudahood ay laba laabmatay tirada dhimashada uu sababay cudurkaasi.



120,000 oo qof ayaa haatan la ogyahay in cudurkaasi uu kula dhacay gudaha waddankaasi


Hasayeeshee Madaxweyne Donald Trump waxa uu si degdeg ah uga laabtay suuragalnimada in uu xayiraad ku soo rogo deegaannada uu cudurkan sida ba'an u saameeyay ee New York iyo New Jersey.


Barasaabyada labadaasi gobol ayaa aad uga carooday fikirkaas.

Yurubna tirada dadka u dhintay cudurkan ayaa waxa ay dhaaftay 20 kun, iyadoo Talyaaniga iyo Spain ay soo weriyeen in maalin qura ay dalalkooda ku dhinteen in ka badan 800 qof dalkiiba.


Talyaaniga ayaa sii adkeeyay xayiraadaha uu dakkiisa ku soo rogay oo waxa uu soo saaray in la ogaado heer kulka dhammaan dadka dalkaas dibadda kaaga imanaya ee keenaya walxahan afka lagu xirto.


Dowladda Spain ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalaha aan asaasiga ahayn ay haatan qasab tahay inay guryahooda joogaan muddo laba todobaad ah.


Faransiiska oo dadka ku dhintay ay ku dhaw yihiin 2 kun oo qof, ayaa ra'iisul wasaare Edouard Philippe waxa uu ka digay "in dagaalku uu haatan bilow yahay".


Wasiirka caafimaadka ee waddanka Australia ayaa sheegay inay jiraan astaamo wanaag muujinaya oo tilmaamaya in ay hoos u dhaceen kiisaska cusub ee cudurka coronaviruska ee dalkaasi lagu arkay.


Ra'iisul Wasaare Scott Morrison ayaa waxa uu shir jaraa'id ka sheegay in heerka kiisaska cusub ee cudurkaasi ay todobaadkii tagay kala bar hoos u dhaceen.


Ilaa iyo hadda Faayrsaka Corona ayaa si xawli ah ugu faafaya caalamka oo idil.


  • Ku dhawaad 600,000 oo qof ayuu cudurka ku haleelay dunida iyada oo ay cudurka u dhinteen dad ka badan 28,000 sida lagu xusay xogta ay baahisay jaamacadda John Hopkins.
  • Tirada dadka cudurka u dhimanaya oo ku sii badanaya dalka Spain ayaa gaaray 5,000 oo qof iyada oo 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keli ah ay Spain cudurka ugu dhinteen 832 qof taasoo dalkaasi ka dhigeyso dalka seddexaad ee ugu dhimashada badan ee ku xiga Talyaaniga.
  • Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka laga helay dadki ugu badnaa ee qaba cudurka Coronavirus oo gaaray 104,000.
  • Koonfurta Kuuriyana waxay marki ugu horreysay shaacisay tiradi ugu badneed ee dadka ka bogsaday cudurkaasi ay gaartay 4,811, halka Sabtida maantana laga helay 146 kiis oo cusub oo tirada guud ee dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 9,478.
  • Ruushka iyo Ireland ayaa waxay ka mid noqdeen dalalka qaaday tallaabbooyin hor leh oo ay ku xakameeynayaan faafitaanka cudurka iyada oo faafitaanka cudurka dalalkaasi uu aad ugu yar ahay.
  • Dalka Britain waxaa baaritaan lagu sameeynayaa shaqaalaha NHS ee England.
  • Waxaa dunida sare uga kacay qiimaha qalabka Neefsiga loo adeegsado ama bukaannada cudurka uu haleelay lagu caawiyo.
  • Qiimaha halki Ventileter ee ahaa 27,000 oo dolar wuxuu hadda marayaa 96,000 oo doolar.
  • Dalka kenya waxaa laga helay 7 kiis oo cusub oo Coronavirusa, taasoo tirada dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 38 qof.
  • Xoghayaha guud ee midowga Afrika Musa Faki oo laga waayey faayraska Covid-19.
  • Dalka Zimbabwe oo laga billaaba Isniinta bandoow ku soo rogaya shacabka dalkaasi.
  • Soomaaliya oo ay u badbaadday 3 malyan oo doolar oo kaga bixi lahaa Qaadka tani iyo marka qadka loo joojiyey cabsi laga qabo inuu qayb ka noqdo faafitaanka cudurka Coronavirus.

BBC

Loading...
Loading...