Agaasimaha Cisbitaalka Dawlada Ee Burco Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Bukaan Qaba Coronavirus Ay Hayaan

0
Saturday March 28, 2020 - 14:15:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Cisbitaalka Dawlada Ee Burco Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Bukaan Qaba Coronavirus Ay Hayaan

    Agaasimaha Cisbitaalka Dawlada Ee Burco Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Bukaan Qaba Coronavirus Ay Hayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Cisbitaalka Dawlada Ee Burco Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Bukaan Qaba Coronavirus Ay Hayaan Burco (HWN) – Agaasimaha Cisbtaalka guud ee Dawladda ee Magaalada Burco, Cabdi Suudi Ibraahim ayaa beeniyey inuu jiro bukaan uu hayo xanuunka khatarta ah ee coronavirus oo ay ku hayaan Cisibtaalka.

 

Agaasimaha Cisbtaalka Magaalada Burco Cabdi Suudi Ibraahim, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey waxa ka jira warar Khamistii soo baxay oo sheegay in Qof Qaba Xanuunka Coronavirus lagu hayo Cisbitaalka guud ee Burco, ayaa wuxuu ku jawaabay "Waa been abuur cad, ma jiro bukaan qaba coronavirus, oo Cisbitaalka la keenay, yaan dadka been loo sheegin, oo dadka yaan la khaldin, oo yaan been abuur dadka lagu khal-khaliyo baraha bulshada lagu faafin, ma hayno bukaan uu hayo coronavirus, ILLAAHAY yeyna ku magan galaynaa, inuu xanuunkani dalkeena ka dilaaco”

 

Illaa Khamiistii Toddobaadkii hore waxa dadka qaarkood ay Baraha Bulshada ku faafinayeen Warar sheegaya in Cisbitaalka Burco lagu hayo Qof qaba xanuunka Coronavirus.


Loading...
Loading...