Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Dhalinyarada Hargeysa

0
Saturday March 28, 2020 - 10:50:41 in News by
  • Visits: 2066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Dhalinyarada Hargeysa

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Dhalinyarada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Dhalinyarada Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Maxamuud Xaashi Cabdi oo u ordaya guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa shalay la kulmay dhallinyarada degmada 26 June ee magaalada Hargeysa. Waxa uu sheegay in ay yihiin dhallinyaradii ugu firfircoonayd ololihii doorashada madaxweyne Biixi.




Qoraal uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan:


Waxaan shalay galab kulan la qaatay qaybo ka mid ah, hawl-wadeenada iyo hal-doorka da’a yarta xisbiga kulmiye ee degmooyinka 26june iyo koodbuur. Waxaa hubaal ah in dhaliin yaradani ay ka mid ahaayeen, kuwii ugu firfircoonaa xilliyadii ololaha doorashooyinku delka ka dhacayeen.


Sidaa darteed, aqoon yahanadan iyo kuwa kale ee la mid ka ah ee ku kala sugan gobalada kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland, waxay mudan yihiin in loo mahad celiyo, iyo in la muuneeyo. Sidoo kale, waxay ka mudan yihiin qoorweynta iyo qamaamuurta xisbiga Kulmiye ee aan ka mid ka ahay, xishmad, xaqdhawr, xurmo, xaqsoor iyo xasuus joogto ah.


Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay, maxaa ka run badan murtida tidhaahda "lama huraan waa caws jiilaal”

Loading...
Loading...