Duqa Gebiley Waxa Uu Ingiriiska Ka Soo Laabtay Iyadoo Wefdigiisii Laga Helay Koronofayras.

0
Saturday March 28, 2020 - 10:02:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Gebiley Waxa Uu Ingiriiska Ka Soo Laabtay Iyadoo Wefdigiisii Laga Helay Koronofayras.

    Sawirkani waa Duqa Gebiley oo soo dhawayana Xildhibaan Rooda oo 24kii Maarj 2020ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirkani waa Duqa Gebiley oo soo dhawayana Xildhibaan Rooda oo 24kii Maarj 2020ka
ama afar cisho ka hor ayuu Gebiley ku soo dhaweeyay gabadh xil ka haysa dawladaha hoose ee ingiriiska oo la yidhaahdo Raaqiya Ismaaciil. Labaduba inta ay dalka ka soo degeen ayaan la karantiimaynnin. Waxa ay ka mid ahayd dadkii soo saaray dal-ku-galka ay maayarka Gebiley iyo wefdigiisu ku dhoofeen.Sawirka labadna waa wefdiga oo UK jooga.



Wefdi uu ka mid yahay isla markaana hormood u ahaa Duqa Magaalada Gebiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa waxa ay Ingiriiska tageen maalmihii koowaad ee bishan Maarij kuna beegnayd 05/03/2020, waxayna kulannada iyo casuumadaha ku jireen ilaa 19kii bisha. Maayarka wuxuu soo noqday horraantii toddobaadkii dhammaaday shalay Jimcihii. Si dhuumasho ah buu uga soo baxay Ingiriiska kadib markii xildhibaan ka mid ahaa wefdigooda laga helay xanuunkan Koronofayras, Ilaahay caafimaad buuxa ha siiyo’e. Waxa lagula tacalaayaa dalka Ingiriiska.


Maayarka Gebiley waxa uu dalka soo galay kaddib markii la soo saaray soo galay go'aaankii ahaa in cidda timaadda 14 maalmood la hayo. Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkii ay la kulmeen iyo xildhibaannadii la socdayba isha lagu hayo, qaarkoodna calaamado hordhac ah laga helay.


Durbadiiba waxa uu Maayar Maxamed-Amiin bilaabay inuu kulanno iyo shirar ku yeesho magaalada Gebiley isaga oo aan wax shiddaysan ka imaanshaha dalka Ingiriiska oo ka mid ahmeelaha ay jirradani sida xun uga dillaacday, waxaana shalay xanuunkan laga helay Raiisal-Wasaarihii Ingiriiska. Dawladda Somaliland, madaxda qaranka, masuuliyiinta iyo guud ahaan cid kasta oo xil ummadda u haysa waxa waajib ku ah inay noqdaan kuwa kowaad ee fuliya sharciga ay gacanta ummadda ugu hayaan.


Waxa kale moo jira masuuliyiin xilala haya dawladda oo ka soo laabtay dalalka Ingiriiska iyo Turkiga oo ka mid ah dhulalka aynu ka maqlaynno dhiillada Koronofayras. In la karantiin mayn waayaa waxa ay biyo col-dhaanshay ka dhigaysaa dedaalkii loogu jiray ka hortagga xanuunkan faafaya ee dunida halakeeyay maalmahan.


Guddida kan horgagga Koronofayras waxa aan ugu baaqayaa inay fulin ku daraan goaannada la soo saaro. Aniga oo aan qof u jeedin, waxa uu tusaalahani muujinayaa sida fudud ee xeerku u buri karo. Ilaahay dhammaanteen ha innaga badbaadiyo aafadan carro-edeg saamaysay

 

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...