'' Madaxwaynaha Ma Difaacayo ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje
Doorashadda ka dib iyo ka hor weligay dawlad umaan shaqayn , wax dheefa oo gaarana kamaan helin , hadeerna ma rabo in aan xukuumadda aanan ku qanacsanayn barnaamijkeeda iyo siyaasadeeda aan wax shuqula ku darsado .
Dhinaca kale , xidhiidh gaara oo Madaxwayne weligay na dhex marayba ma jirro , Madaxwayne Muuse na waxaabu shaqo kooban oo uu hayay ka eryey Aabahay oo usoo halgamayay Wadanka Ilaa waagii Uffo , Nabaddana tacab badan geliyay , Distoorka iyo Dawladanimadana waqti badan geliyay , Xisbiga kulmiye qudhiisana dadaal badani kaga baxay, hassa yeeshee waxaas oo dhami waxba kama badelin in aan difaaco qadiyadda aan aaminsanahay ee Somaliland oo aan aaminsanaa Madaxwaynaha ka hor , ka dibna aan aaminsanaan doono hadii alle idmo .
Dhaliilaha tirada badan ee aan ku diidanahay hogaaminta madaxwaynuhuna ma horjoogsanayso difaaca wadankayga aan difaacayo waayo Markaan wadankayga difaacayo , Madaxwaynaha ma difaacayo .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!