Qofkii Ugu Horreeyey Oo Coronavirus Ugu Dhintay Kenya

0
Friday March 27, 2020 - 11:03:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofkii Ugu Horreeyey Oo Coronavirus Ugu Dhintay Kenya

    Qofkii Ugu Horreeyey Oo Coronavirus Ugu Dhintay Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofkii Ugu Horreeyey Oo Coronavirus Ugu Dhintay Kenya

Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeeyey uu dalkaas ugu dhintay cudurka COVID-19.

 

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa lagu sheegay in qofka dhintay yahay muwaadin kasoo laabtay Koonfur Afrika 13-kii Maarso.

 

Waxa kaloo wasaaraddu sheegtay in qofkaasi oo rag ah da’diisuna tahay 66-sano jir uu qabay sidoo kale xanuunka macaanka.

 

Kenya ayaa diiwaangelisay ku dhowaad 30 kiis oo ah cudurka COVID-19

 

Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa dalkeeda kusoo rogtay bandow xiliga habeenkii ah kaasoo bilaaban doona 7-da fiidnimo ilaa 5ta aroornimo.

 

Arrintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin ay dowladda Kenya kula tacaalayso sidii ay u xakamayn lahayd faafitaanka xanuunka Coronavirus kaasoo ilaa iyo hadda dadka laga helay gaaraya ilaa 30 qof.


Loading...
Loading...