Mareykanka Oo Gargaar Caafimmaad Weydiistay Dalalka Caalamka

0
Friday March 27, 2020 - 10:29:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Gargaar Caafimmaad Weydiistay Dalalka Caalamka

    Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warramay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warramay

in xukuumadda madaxweyne Donald Trump ay baaq u jeedisay dalalka caalamka, kaas oo ah in ay la soo gaaraan ama ay ka iibiyaan qalab caafimaad oo muhiim u ah wax ka qabashada fayraska corona.



Mareykanka ayaa doonaya in laga caawiyo qalab ay ka mid yihiin mashiinka neefta ka caawiya dadka uu naqaska ku dhago, dawada gacmaha lagu nadiifiyo, maryaha sanka iyo afka lagu xirto, qalabka wajiga lagu xirto, dharka qafilan ee dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha ay xirtaan iyo kuwa kale oo badan oo gacan ka geysan kara wax ka qabashada xanuunka.


Wuxuu sidoo kale Mareykanka dalbaday in codsigiisa mudnaan gaar ah la siiyo, maadaama fayraska corona uu kusii faafayo guud ahaan dalkaas.


Warbaahinta CNN ee Mareykanka ayaa kusoo warrantay in ay heshay dukumenti muujinaya in Mareykanka uu diblomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Washington ka dalbaday 25 shey oo agab caafimmaad ah, kuwaas oo ay sheegtay in aad loogu baahan yahay xilligan.


Illaa iyo haddana ma cadda inta dal ee aqbashay codsiga Mareykanka.


Sarkaal sare oo xukuumadda madaxweyne Trump u qaabilsan dhanka ganacsiga oo lagu magacaabo Peter Navarro ayaa wargeyska The New York Times u sheegay in Mareykanka uu xitaa gargaar caafimmaad weydiistay Shiinaha oo uu Trump ku eedeeyay in aysan wax badan ka qabanin faafidda fayraska.


"Shaqadeyda Aqalka Cad ee xilligan waxay tahay in aan gacan ka geysto sidii loo heli lahaa waxa shacabka Mareykanka ay u baahan yihiin iyo sidii aan u soo iibin lahaa meel walba oo aan awoodno oo xitaa haddii loo baahdo aan diyaarad u diri karno haddii aan kasoo heleyno," ayuu yiri Mr Navarro oo u warramayay wargeyska The New York Times.


"Haddii Shiinaha ama dal kale uu hayo maryaha sanka lagu xirto ama goloofis ama wax kale oo ay u baahan yihiin shacabka Mareykanka, waxaan ku soo dhaweyneynaa gacmo furan," ayuu sii raaciyay.


CNN ayaa sidoo kale kusoo warrantay in afhayeen katirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Mareykanka uu maalma kahor sheegay in ay "codsi u dirsadeen, safaaradaha dalalka caalamka ay ku leeyihiin Mareykanka, waxayna weydiisteen in ay ka caawin karaan ama ay u sameyn karaan agab caafimmaad oo gacan ka geysan kara wax ka qabashada xanuunka ama haddii ay jiraan shirkado ka hawgala dalalkaas oo Mareykanka u sameyn kara".


Arrintan ayaa imaneyso xilli dhawaan Dowladda Turkiga ay sheegtay in gargaar caafimaad ay u dirtay dalka Mareykanka oo hadda ka mid ah dalalka la daalaa dhacaya fayraska Covid-19.


Gargaarkan ayaa ah qalabka lagu baaro fayraska corona oo gaaraya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka.


Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii xukuumadda Washington ay Ankara ka codsatay in laga caawiyo qalabkaas, waxaana arrintan xaqiijiyay wasiirka caafimmaadka ee Turkiga, Fahrettin Koca sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.


Mr Koca ayaa mar uu khudbad ka jeedinayay baarlamaanka wadankaas wuxuu sheegay in ay ku han weyn yihiin sidii loo xoojin lahaa baaritaanada gudaha dalka Turkiga.


Wasiirka ayaa sheegay in maalintii ay qorsheynayaan in ay xanuunka ka baaraan 10 kun illaa 15 kun oo qof, wuxuu intaa raaciyay in hadda ay baareen dad ka badan 10 kun.


Dadka uu ku dhacay xanuunka corona ee dalka Mareykanka waxay tiradoodu gaartay 85 kun, halka 1,300 oo qofna ay u dhinteen.


Mareykanka haatan waxaa uu ka sare maray dalalk Shiinaha iyo Talyanaiga oo ahaa dalalka ugu badan ee laga soo sheegay feyraska corona.


BBC

 

Loading...
Loading...