Afhayeenka Madaxtooyada Oo Ka Soo Laabtay UK,Karayntiimayntii Oo Uu Ka Baxsaday Iyo Barkhad Batuun Oo Dad Shacab Ah La Go'doonsan

0
Thursday March 26, 2020 - 22:30:10 in News by
  • Visits: 4313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Madaxtooyada Oo Ka Soo Laabtay UK,Karayntiimayntii Oo Uu Ka Baxsaday Iyo Barkhad Batuun Oo Dad Shacab Ah La Go'doonsan

    Afhayeenka Madaxtooyada Oo Ka Soo Laabtay UK, Karantiimayntii Oo Uu Ka Booday Iyo Dhigiisa Waddani Oo Dad Shacab Ah La Go'doonsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Madaxtooyada Oo Ka Soo Laabtay UK, Karantiimayntii Oo Uu Ka Booday Iyo Dhigiisa Waddani Oo Dad Shacab Ah La Go'doonsan


Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa karantiimaysay dad kor u dhaafaya 50 qof oo la socday duulimaadkii ugu dambeeyey ee diyaarada Itoobiyaan Airline ee soo gaadhay garoonka Hargeysa.




Dadkan oo xukuumadu sheegtay in la karantimaynayo mudo 14 cisho  ayaa waxa ka mid ahaa afhayeenka xisbiga mucaaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo ka yimid wadanka Turkiga iyo afhayeenka madaxtooyada somaliland Maxamuud Jaamac Warsame  oo reer somaliland u yaqaanaan (Ina Maamo Malyuun) oo ka yimid wadanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Bristol oo xanuunka Coronavirus uu si weyn u saameeyey.




Afhayeen Barkhad iyo dadka shacabka ah ee kor u dhaafaya 50 qof  oo fulinaya amarkii guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ee somaliland waxay ogolaadeen in lagu karantimeeyo hudheel ku yaala magaalada Hargeysa, kaas oo lagu hayn doono mudo gaadhaysa 14 cisho si looga hubiyo xanuunka Coronavirus maadaama oo ay ka yimaadeen wadamo uu xanuunku saameeyey, balse afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac (Ina Maamo Malyuun) ayaa guud ahaanba ka hor yimid amarada guddida isla markaana aan wax karantiimo ah lagu samayn.


Afhayeenka Madaxtooyada somaliland Maxamuud Warsame Jaamac(Ina Maamo Malyuun) oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa wadanka Ingiriiska oo uu si weyn ugu baahay xanuunka Coronavirus ayaa markii uu wadanka soo gaadhay aan laga baadhin xanuunkaas, waxa uu  si badheedh ah uga horyimid amaradii guddida somaliland u qaabilsan ka hortaga xanuunkaas waxaanu gaashaanka ku dhuftay inuu wax karantiimo ah isku sameeyo isaga oo si toos ah u galay magaalada Hargeysa isla markaana hawl maalmeedkiisa iska bilawday.


Guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ayaan ilaa hada ka hadal sababta keentay in afhayeenka madaxtooyadu uu jabiyo amarada ay soo rogeen halka ay ku fuliyeen dadkii kale oo ay ka mid yihiin masuuliyiin xilal sare ka haya xisbiyada mucaaridka ah.


Sidoo kale afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac (Ina Maamo Malyuun) ayaa si aan gabasho lahayn ugu badheedhay inuu ku duulo caafimaadka iyo badka qabka bulshada somaliland ee xanuunka Coronavirus ka caafimaad qabta, waxaana halis wajahi karta  cid kasta oo la kulanta haddii mustaqbalka ay ku soo baxaan calaamadaha xanuunka Coronavirus.


Qaybo ka mid ah shacabka somaliland oo baraha bulshada ku soo bandhigaya aragtidooda ayaa xukuumada iyo guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus si adag ugu canaanaya sababta indhaha looga qarsanayo afhayeenka madaxtooyada oo magaalada Hargeysa iska jooga iyada oo rakaabkii ay wada socdeena la galiyey karantiimayn 14 cisho ah, waxaana la dhawrayaa jawaabaha ka soo baxa dawlada.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...