Markaan Kibir Baruur Badhidda Saar-Saaro ( Abdi-Shotaly).

0
Friday March 20, 2020 - 09:31:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markaan Kibir Baruur Badhidda Saar-Saaro ( Abdi-Shotaly).

    Waxan doonayaa in aan sheeko yar idiin hor mariyo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan doonayaa in aan sheeko yar idiin hor mariyo,
ku saabsan Waraabe la wareystay, lana weydiiyey su'aal ah, Mr Waraabaw haatan waa adigan da' taagan, cimrigaa'gana dhagar baad ku jirtay, boob iyo dhuumasho uu dhabarku muuqdo, cid ku jeceli ma jirto, noolahuu illaahay ku abuurey dunidda guud-keedda, xayawaan iyo bani'aadam-ba waad ka soo hoyatay, meel kaste waa lagaa karhay, waxa lagu weedhinayaa ma jirto, oo adna cag dhigi wayday, nasasho kaa dheer, doon-doon aad raadi-nayso baadi aanad lahayn, oo intaad aad disho cunto baa raabi ku daba dhigay. khaati mara baa lagaa tagan yahay, sidaana ku noolaan maysid iyo in aad orod uun ku jirto, ee maxaa tallo ah? Si aad adna u degtid, makh-luuqa illahay-na ay kaaga nabad galaan, falaw-geed in aad raadiso ma kula tahay? Oo aad dayso dhagarta joog-tadda, ah ee aad noolaha ka gelaysid aan denbi kaa gelin? Halkii wax kale looga fadhiyey, baa waxa uu ku jawaabay sidatan hoos ku taalla, ee bal akhriya waa kaaf iyo kala dheeriye.

 

Wuxu ku jawaabay Mr waraabe " Waa raggii ma adigaa ka hadhaye", Ha iga qosli-nina, Ilaa canka subagu soo qubo, ma qaboobaayo abid-kay. Malaha ma haysaan si aan u nabad gelaayo,naf-na isuma hayno, oo waan is og-nahay, waxanse idiin sheegayaa, ilaa aan hello arimahan soo socdda, oo ay ii suuro-galaan, shaqadda aan hayaa mid is taagaysa maaha, ee sidaas baan isu erya-naynaa, inta dunidda illaahay rogaayo ayaantii uu ugu tallo galay. Waxa la sii su'aalay waa maxay xaajooyin-kaad tabanaysaa? Ee aad heshiis u diidan tahay? Wuxu yidhi waxan idin idhi, waad i daallinay-saane, ma anaa af dhul dhigay-ba weli, waxan hoose oo dhamaan la isku daray, ilaa aan dabadda sidaan doonaayo ugu walaaqo, wax-ba ka hir geli-maayaan waxad wad-wadaan, qodobadan baa sharciga ii yaalaa qorayaa ee ma haysaan, mise waa maya:-

(a) Marka calool heeryo la iiga dhigo,

(b) Ma-dharaarina hogaan.

(c)  Kurus-na haamo,      

(d) Raq-na la iga sii wado, mid kale-na la igu sii wado.

(e)  Hanti aanan dhaqan ka ciil beello.

(f) Beer subaxii la ii shiillo,

(g) Darib aan cidi taaban qado la iiga dhigo,

( h)  Baruur badhidda saar-saaro kibir awgeed.

( i) Xoolaha ummadu ay aniga keli ahaan xero iigu jiraan, sidaan doonana ka yeello, oo aan anigu ku dhibi-shaxdo siddii awr qooqan, baa heshiis-kaasi soconayaa.

 

Wuxuu ku soo gabag-beeyey, bani'aadam aan wax iskaga tirinayaa ma jiro, oo sidaas baan ku dhameeyey hanti-dooddii, mana jooji-naayo ilaa la ii saxeexo arimaha aan sare ku soo taxay, oo ilaa la iga daayo waa tuug, waa waalan yahay, la ii bixiyo Magac-yadda ugu wacan Sidda Macaane, Malable, Subagle, oo la joojiyo " Ila maeerayso, Raggii ma adigaa ka hadhay", Shaani, Handaraab iyo qara kaloo badan, baan kala nasanaynaa. Islaan baa laga hayaa, oday waxoogaa hayaa guursatay, oo la yidhi qardeeyaay lagu waaye, xageed ka dhacday? Baa waxay ku jawaabtay " Ilaa aan barqaddii buqul ciir ah laaco, oo aan rays badhidda saaro, weli roob iima da'in, ee waad deg-degay-saan, ee horta aan dhogor dhacsado. Mr warraabe ( oo aan isla garanayno kuu yahay) iyo raxanta caydha ah ee uu hor kacaayo ee kugu soo qamaamay, waxay ku leeyihiin "  Intaa markaan aan isku darsano, xooloo ummadeed oo aanay cidi naga hor joogina aanu ka haqa beello, wax i marayaa ma jiraan ee ha wareegto giraantu. Imika hooyaday baan Xaramka ku geeyaye xaaraaneee la ii xalaaleeyo, can-kayga aan la eegin, sacabka iyo durbaanka la iska maqli waayo, ee la iigu garaaco kamanka qaaciga ah " Heesi-ba-heesta la igu sii amaanayo wax kaste oo aan sameeyo, laga baxo sawaxanka dhurwaa dharaqaa-maaya celiyaay " La isu weriyo Dhurwaa waa awliyo soo daahirtay" Oo haddii afka gacanta laga geliyo ku qaniini-maayo, markaas baynu heshiis ku dhaw-nahay aan weli la gaadhin. Wax aan idiin hayaana ma jirto oo abaal iyo wanag ahi ee idinku ha igu meeray-sanina.

 

* N.B Ilaa Canka Subagu Soo qubo, Ma Qaboobaayo Abidkay!

Qore:- Abdi-Shotaly.   

[email protected]                                                                                                            


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...