Reer Somaliland Khiyaamo Iyo Somaliweyn Mar Labaad Diyaar Ma U Tahay.Isbedelka Geeska Maxaa Laga Yeelayaa

0
Thursday March 19, 2020 - 09:23:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Reer Somaliland Khiyaamo Iyo Somaliweyn Mar Labaad Diyaar Ma U Tahay.Isbedelka Geeska Maxaa Laga Yeelayaa

    Waa hubaal in shacabka reer SOMALILAND ku nastay goonni isku taaggii 1991kii inkastoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa hubaal in shacabka reer SOMALILAND ku nastay goonni isku taaggii 1991kii inkastoo
buuggii yaraa ee distoorka SNM uu ku qornaa qodobka ka ah in keligii taliyihii Mohamed Siyaad Barre dalka laga rido OONAY ku ool in SOMALIA iyo SOMALILAND  oo lixdankii si habaqana  oo qaldaanimo  ku jirto isugu darmay la kala  gooyo laakiin markii  wadankii  la lahaa Afweyne  ka xoreeya ay su xun u burburtay wax Afweyne kasii  xun iyo dagaalo sokeeye iyo dawlado cadaw ah iyo wax aan laga gayoonay ay Mohamed Siyaad Barre Bedeleen oo dagaaladii iyo dilkii uu kun jeer ka batay dhibaatadii Siyaad Barre ayaa Shacabka reer SOMALILAND  ku dhalatay is badbaadin ta GOONNI ISU TAAGGA SOMALILAND EE MUQADISKA LOO NISBEEYEY inkastoo oonay  raacin inay wax u qaybsadaan Xukuumadda  iyo Dawladda xaggeeda si aan muran  Siyaasiyiinta harraadani u gelin oo sida Lebanon oo kale talada dalka QAYDHINKA lAGU qaybsado laakiin degdeg  aan cilmiyeysnayn bay goosashadii  ku sameeyeen oo WAA ta keentay laga soo  bilaabo xiliga Xukuumaddii  Siilaanyo in wadadii  laga baydhay Ictiraaf raadinta iyo dad isku wadka oo hantidii la boobay shacabkiina la isku diray  oo dagaalo qabiil la hubeeyey lana qaybqaybiyey iyadoo Madaxdii Kulmiye aan arinkaa la  gabban ayey maanta la daalaa  dhacayaan culayska kaga  yimi isbedelka Geeska  ka socda ee Ethiopia Hogaaminaysa  dawladaha dunida hogaamiyaana dabada  ka rixayaan oo u jeedada  koobaad tahay  sidii xeebta  dheer ee Somalida  loogu gacan gelin  lahaa dawlado aan Muslim ahayn oo Ethiopia hogaaminayso, Kenya oo Xeebta badh doonaysa sheerkeeda oo murankii Maxkamadaa ku jiro iyo Eritrea waa wada  Christian waxaana laga hortegayaa in mar dambe budhcad badeed iyo wixii la midi  Xeebta Somalida ku soo NOQDAAN.


Marka mushaakilkaa  la eego waa figrad  in la iskaga celin karo  SOMALILAND SOMALIA oo mar labaadmidooba laakiin  macquul  ma tahay maanta in si fudud hadana labada wadan la isugu  daro waa  Khiyaamo Labaad Oo Mar Labaad Somaliland  Ku Dhacaysa. 

Markaa  Waa Laba Kala Daran Mid Dooro 1- In Waxaba Ethiopia Qabsato Siiba Somaliland Oo Lagu Muquuniyo  Dawladda Cusub Ee Geeska  Africa Oo Ethiopia Hogaaminayso Baddana Aan La Kala Lahayn  Oo Halkaa Ay  Ehhiopia Iyo Beesha Caalamku Ku Dili Doonaan Intay  Behigii  Cabdilaahi Yusuf Keenay Ay Koonfur Ku Dileen.  2 - In Khiyaamo Iyo Somaliweyn Mar Labaad  La Isku  Daro Ay Bilaabantay Si Somali Cudud Weyn Loo Sameeyo

 

Somaliland  Ama Burco Ku Shira  Ama Hargeysa Ku Shira Oo Waxaa Somaliland  Maanta  Miiska I Saarani Waa  Labadaa  Kala Daran Oo Mid La Doorto.

 

Shirka  Burco Uga  Socda Garxajis Iyo  Habarjeclo Xukuumadda Kulmiye  Ayaa  Wax Kasoo Abaabushay  Ujeedadiisuna Waxaa  Weeye Garxajis Iyo Qabaailkii La Qaybqaybiyey In Lasii  Burusheeyo Hawlaha Soo Socda Awgeed. 

Xal keliya ayuun baa soomaali oo dhan badbaadin kara oo Win Win Ah Xalkaasi Waa In Madaxweynaha Iyo Military Ga Iyo Baarlamaanka La Isku Daro Caasimadana Burco Laga  Dhigo Oo Meel Macquula Ku Taal Woqooyiga Shan Billion Oo Doolar Dib U Dhis Loogu Sameeyo. Heshiis Ka Lebanon Oo Kale Ahna Dawladda Lagu Qabiyo Sidaana  Ethiopia Iyo Dawladaha Caalamka La Isaga Dabaalo Waxna Lala Qabsado. 

 

M Bashe

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...