Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxdii Soo Martay Somaliland Q.6aad (Abdi-S hotaly).
Baaba'a, qaska, is naca, dira-diraala-nimadda,
cadaw-nimadda
beelaha gaarka ah ay u hayaan maamulka ay hor booda-yaan " Raggii ma
adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximani" Munaafaqadda, boobka hantidda
ummadda, balan ka baxa iyo xumaanta ummadda la kala dhex dhigay, mid
qalin lagu dhamayn karo ama hadal lagu soo koobi karo maaha, kaaga
darane is dhego tirka iyo beenta aan xadka lahayn ee la isku
maaweeli-nayaa, maha taariikh ina soo martay, welina fari kama qodna
faanoole ee qabyo waa hal-keeddii, oo waa taas ay wadaamihii ku go'een
ceel walwaa-leed, ee ay Somaliland ku ban-jartay "Bankii Gigiyaad" Ee
abeesoo-yinku wax ku mirtaan habeenkii. waxa la yidhi "Abeeso dhul u
ekaan bay kugu dishaa, wadaad-na dad u ekaane" kuwan sawirka
bani'aadmaka lihi, ha-yeeshee aan meela dadnimo ka soo gelin ( waa
askarta'e), Waxay dalka iyo dadka badeen, waxay ina bareen baa ka sii
daran. Hadaba waxan u gudda geliyaa waxay qabteen ma jiraane, wixii ay
cagta mariyeen, ee burbur iyo balaayo ay inoo horseedeen, siday dalka u
xaalufi-yeen, macaluusha iyo gaajadda ummaddii la soogan tahay
wadooyinka, khiyaaliga la idiinku sheekeeyo ee hoosta ka qalaalan.
kolay-ba mid aynu ka dhamaanayno maaha ee ku soo dhawaadda qodobadan aan
idiin soo dhigi doono, oo wax ku qaata, cid ay naf u hayaan ma jiraan,
mid ay isku jifo yihiin iyo mid kale toona waa isugu mid, hadana waxa in
khaas ah lagu maalaa inaka baa xukunka haysana ee na ilaaliya, waana
tan runtii oo ah waxay ku faanaane iga hantiya xaqiiq-ddii oo aan biyo
is marin.
(a) Waxa la isku direy oo afka la isu geliyey laba beelood oo isku
deegaan ah oo la isku yidhaaho " Habar Lamaan" ( Waa Sacad yoonis iyo
Baho-Biciida'e), oo dhiigu qulqu-laayey mudo 5 sano ah iyo badh,
(b) Waxa laga dhex dhisay Miskinisado Magaaladda Hargeysa, Diinta
kiristanka lagu faafiyo, laguna caabudo, oo waxay u so tafa -xayteen in
da'yarta loo dareeriyo diinta maseexiga.
(c) Iyaka oo taa sameeyey baa, waxa Cagaaf-cagaf La geliyey
Masaajidaddii Illahay lagu caabudi jirey, oo magaalo dhan oo ay ku nool
yihiin illaa iyo 7 kun oo maato, caruur, waayeel, naafo leh baa
guriyihii laga burburiyey, oo iyadda oo aan meel ay u hoydaan jirini
debedda loo waddhay ( Inkaari ha ku dhacdee), Xata akhristaw ma jiraan
dhul loogu bedelay, ee siddii jawaan hadhuudh ka dhamaaday, oo
shimbiraha loo hurgufay baa la kala firdhiyey, Waxana ka dambayeeyey
Maxamuud beenaale, Raggii ma adigaa ka hadhay, Geenyo shaaximan,
Kud-madaw, gaafaadhi iyo dhamaan maamulka Jeegaanta iyo xulafa-doodda.
Sababtuna waxay tahay, food lagaga doonaayo Besha Muuse Abokor, oo la
yidhi dhulka la wareega Scaad yoonis baa laga rara-yaaye, oo cid ka soo
jeedda beesha Garaxjis idinku dhex jiri mayso'e. Wixii ka dhacay-na waad
ogaydeen, in loo taag waayey oo ay cid waliba quusiyeen, cid kastoo la
isugu tagtay-ba ay faraha kaga gub-teen, laakiin ilaa san-kiisa caano
laga keenay Kud-madaw, oo uu far la bixi waayey, isma uu taagin
dagaal-kaasi, welina wax is aaminaad la yidhaaho kama dhex dhicin,
illaah halkaa ha iaga joojiyo'e.
(d) Dagaal-kaas waxa ka bilaabmay Jab-hado fara badan, Siddii tii
dulmi diid ee Genaral Caare, Tii Suldaan Wabar, Buuhoodle oo u gacan
gashay Puntland, Ciidmo reer Hebel awgeed loogu laayey Ceel-Af-weyn (
Sidda labaddii askari ee Samaroon), kii H.Jeclo ee Laas-caanood lagu
dilay, qaar lagu dilay Gobolka Awdal, Odayaal Sacad Yoonis ah oo ula kas
iyo reer hebel loogu taxaabay Jeelka, ilaa imikana ku jiraan qaar-kood.
(e) Muwaadin Wadaadkii waalaa ee ogaadeen ( Ina Cabdalle Xasan)
baa waxa laga hayaa " Caamir waa saleelee anaa haatan caymadiye" Wax
walba soo dhaaf oo iyaba waa yaabe, inan habeen intay seexatay riyootay,
baa waxa lagu xidhay " Waxad ku riyootay iyadda oo Xamar la isku
noqday. Weli sheeko iyo shaahid, arag iyo maqal hore uma ay dhicin, Laga
soo bilaabo illa aisticmaarkii iyo maamuladdii kala dambeeyey, ee ahaa
wixii Somaliya lagu sheegi jirey iyo kuwii u kala dambeeyey Somaliland
haween la Xidho, hadaba mamaulka askarta baa ka kaw ah, welina wadda rag
daayoo in ay haweenka xidhaan.
(f) Adaba waad yaabiye, bal dib u eeg tii ka dhacday Wajaale, Inta
wiil yar ay dileen maleeshiyaadka beelaysan ee ooliiska lagu sheegaa,
oo beer lagu tuuray dhex-deed, Waraabuhu ku cunay, hooyaddii lagu dhex
garaacay Suuqa badhtan-kiisa markii ay dhex barooratay, in ay askari
dishay wiil-keeddii oo ay raqdii soo aragtay, oo ay kaga tageen
mayd-kiisii beer, halkiina uu dhurwaa ku cuany, wax kale looma dilayn,
ee waxay waxaasi u dhaca-yeen, maxaad noo sheegaysaa in aan bahalaha u
tuurnay? Iyo nacayb aan xad lahayn oo ay u qabaan Beesha Samaroon
askartu oo aar goosi ah, ilayn wax is qabtaa meesha ma joogaan ama isu
caqli celiyaaye, waa bakhtiga ma cuno ee fuud-kiisa baan cabaaye.
Wuxu yidhi Hadraawi " Haddii awr dhufaan ahi, isu teed-sho
geelii, dhirta maan jibaaxo, amba dhoosha ka cartamo, haddii ruux
dhukani jiro, amba maan is dhego maro" Wax-ba yuu hadalku ila sii
taraarine, waxan ku soo xidhay qoraalkan ilayn hadal lama saarnaado'e,
kuwan meesha joogaa weligood kob cagaar leh kama ay soo durdurin, wanaag
ay taliyeena lama hayo iyo faa'iido ay dhaliyeen, dhabar-jab, hoog iyo
ba', burbur iyo qax iyo qlaan-qal abuur mooyaane. Way soo qadhaabsi
tageen ee wax kale looma boobayn maamulka, qaar dher-gaayana maaha, oo
waxay la mid yihiin shini kaaluf galay iyo sidda daayeekii salaadda
dhirta ku kalihi jirey, bay iyana ku foofaan sidee baad maanta dhaqaale u
soo xaraysaan, ilayn dad iyo dal mid-na uma jeedaane, umana ay iman wax
kale, oo waa dantood maraata-yaale sidda maska u milkhsa-naayee. Waxan
ku soo gaba-gabeeyey, hal-xidhaale ay caruurtu wadaagaan oo la yidhaaho "
Goo-gaa Cadalee" Waxa ka mid ah oo ay is weydii-yaan, waa maxay ama
looga jeedaa "Awr Xumi Abaar Qooq" Waxa hadaba looga dan leeyahay aan
kuu sarifo'e" Sidda kuwan ( askarta ah) ee aan weligood wax loo dirin,
la yaqaano waxay yihiin, ilaa halgankii xiniin-yaha hayey SNM, ee ay u
qarsoonayd in aanay raaf riixin mujaahidiintii runta ahayd (Ihun) intii
ay ka run ahayd ( Kuwani way ku gabana-yeene), oo maanta
dhibi-shaxanaaya siddii awr qooqan, waa-se la isaga iman, oo runi-run
bay noqon waa la is dhafoor taaban doonaa, oo wa ala kala bixiye.
La Soco Qaybta 7aad.
* N. B Awr Madoobi Abaar Qooq!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...