'' Xisbiyada Dadka Lagama Eryo ''.

0
Saturday February 29, 2020 - 16:13:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Xisbiyada Dadka Lagama Eryo ''.

    Aduunka axsaabta siyaasaddu maaha goobo shaqo oo dadku usoo shaqo taggo ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunka axsaabta siyaasaddu maaha goobo shaqo oo dadku usoo shaqo taggo ,
suuqyo ganacsi oo lagga baayac mushtareeyana maaha , Iskuulo iyo dugsiyo tacliin lagga bartana maaha , hassa yeeshee waa haayaddo dadka u samaysteen in la isula yimaado afkaaraha iyo aragtiyaha siyaasadeed ee la rabo in dadka lagga iibiyo , si ay u helaan aragtiyo la kala doorto .

Sidaa darteed Xisbiyadda aduunka waxaa ka dhex socda hirdano aragtiyeed oo aan dhamaad lahayn , kuwaasoo hadba koox iyo aragtiyaheeda lagga adkaado , ka dibna inta adkaataa aragtideeda u bandhigto dadwaynaha , inta lagga adkaadayna wuxuun bay sugtaa waqtigeeda sidaas ayuunbaa loolankaas aan dhamaadka lahayn loogu jiraa .



Waagii dhawayd ee doorashadda Maraykanka Xisbiga Dimuqraadigga waxaa ku tartamay marwadii Hillery Clinton iyo Odayga Sanders , loolankii dhex marayna meel xun buu gaadhay , madaxdii xisbiga iyo Madaxwayne Obamana Marwaday la safnaayeen , hassa yeeshee Sanders lama eryine aragtihiisii ayuun baa lagga codeeyey lagana adkaaday , isna kama waaline wuxuun buu isu daayay shacbigii Maraykan iyo Xisbigii Dimuqraadiga iyo marwadii u sharaxnayd ,wixii dhacayna waatii la ogaa .


Markii dooraashadii Hellery dhacday , markale waakan Sanders soo rogaal celiyay , Xibigii Dimuqraadigana madaxdiisi waxay wadataa odaygii Obame ku xigeenka u ahaan jirey ee Joe Biden , hassa yeeshee waxaa muuqata in Sanders maanta dadku la hayo oo xagiisa bishu u caano shubatay .


Sidaas ayaana aduunka oo dhan axsaabtiisu u qaybsan tahay oo xisbi waliba u leeyahay garabo tartan iyo xifaal ka dhaxeeyo , marbana garab ayuun baa xisbiga dhexdiisa ku adkaada , kaasaana lala shaqeeyaa .


Sidaa markay tahay , Aduunka xisbiyadda dadka lagama eryee , dadkaa la doondoonaa , waayo dadkuba waa kuwa laggu tartamayo hanashadooda iyo kasbashadooda , shuqulkan axsaabta Somaliland baratay ee ah in la yidhaahdo xisbi baa qof lagga eryeyna waa wax u gooniya axsaabteenan cajibka ah oo aan Aduunyadda inteeda kale ka jiran , marka lagga reebo xisbiyadda shuuciga ah iyo kuwa ka jirra wadamada xisbi keliyaalaha ah ee aan xisbiyadda badan lagga ogolayn sidda Shiinaha .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...