Iftiimin Xaalada Turkey-ga...W/Q Ayuub Talaabo

0
Saturday February 29, 2020 - 14:06:20 in Articles by
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iftiimin Xaalada Turkey-ga...W/Q Ayuub Talaabo

    Iftiimin Xaalada Turkey-ga...W/Q Ayuub Talaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iftiimin Xaalada Turkey-ga...W/Q Ayuub Talaabo


Guud ahaan waxaynu ka wada warqabnaa in wadanka turkey gu uu si lama filaana u furay xadkiisa 12 habeenimo ee xalay.

Image may contain: 1 person, sunglasses, beard, closeup and outdoor


Waa sidee xaaladu hada?


Guud ahaan xaalada turkey gu ilaa xalay waxa sare u kacay adeegyada socdaalka (transportations) ee berri iyo badba waxaana iyada oo ay ka qayb qaadanaya dawladaha hoose iyo laanta socdaalku daad gureynta dadka ilaa xadka Giriiga.


Maxaa sababay furista xadka?


Wuxuu in dhawayd dagaal ka socdaa gobolka IDLIB ee ku yaala xadka u dhexeeya wadanka Turkey ga iyo Suuriya, sidaasi darteed waxa jab laxaad weyni soo gaadhay ciidamada halkaa ka dagaalamayey ee Turkey ga iyagoo laga dilay 30 askari halka ay maantana 3 kale dhaawac dhinteen, waxa dagaalka soo galay oo caawimo diyaradeed ku duqeeyey fadhiismida Turky ga dawlada Russia, Turkey gu wuxuu maalmahanba ka codsanay gaashaan buurtiisa NATO ee ay ka tirsanaayeen garab.


Iskadaa inay Yurub ka helaan garabe, waxay hanti u heleen eedaymo iyo ku tiiqtiiqsi aan loo meel dayin.


Hadaba dad weynaha Turkey gu wuxuu qarka u saarna habeenkii xalay inay u daatan daarta looga taliyo Turkey ga ee Ankara.


Sidaasi awgeed waxay dawlada Turkey gu go'aansatay talaabo diblomaasiyadeed oo qotodheer waafajinkartana danahooda ay ka leeyihiin Idlib iyo Yuruba.


Waxay 72saacadood ku fureen xadka isla markaana ooda ka qaadeen ku dhawaad 4 milyan oo arwaax nool noola.


Maxay tahay u jeedada 72saacadood?.


Saacadahan oo qaadanaya 3 maalmood waxa loogu talo galay qaylada kasoo yeedha reer yurub inay xal u noqoto isla markaana ay ka galaan gorgortan xaajadooda (Bargaining period) si ay uga helaan reer yurub taageero af iyo maalba.


Maxay tahay ujeedada IDLIB ee Turkey'ga?


Ujeesada idlib waa inuu Turkey gu balaadhiyo aag ka caagan dagaalada (safe zone) oo uu ku samato bixiyo qaxoontiga Suriya ee kor u dhafay 4 ta milyan ee ku nool gudaha iyo xuduudaha Turkey ga, islamarkaana loo firo jaamacaado, caafimaad iyo nolol nabadgelyo dhaqaalena ku bixiyaan wadmada laga horjoogo hada wa yurube.


Muxuu Greece gu kula tacaali karaa xaaladan ?


Dawlada Greece ku waxay kula tacaalaysay saacadihii inasoo dhaafay sunta dadka kaga ilmaysiisa (tear gas) sidoo kale waxa meel dheer kasoo duubaya diyarada karamarada wata een duuliyaha lahyn(moving drones) ee Turkey ga kuwaaso uga dhug leh inay u diraan wixii macluumada ee ka baxsan binu aadanimada (Human violation) haayadaha ku shaqada leh.


Waxaa sidoo kale goor danbe oo caawa ah ku dhawaaqday amartayna wadamada hungury iyo Greece inay qaabilaan qaxoontigan hay'adda Amnesty international.


Intaan ka fahmay ilaa hada!
WQ:AYUUB TALAABO

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...