Sideedaba. Bugaagta la qoraa waa dhawr nooc....W/Q Cismaan Cumar Dool

0
Saturday February 29, 2020 - 12:48:23 in Articles by
  • Visits: 1296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideedaba. Bugaagta la qoraa waa dhawr nooc....W/Q Cismaan Cumar Dool

    Sideedaba. Bugaagta la qoraa waa dhawr nooc....W/Q Cismaan Cumar Dool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sideedaba. Bugaagta la qoraa waa dhawr nooc....W/Q Cismaan Cumar Dool


1. Mid ka sheekaynaaya tariikh taxane aheyd oo tagtay sida mid qofeed, mid qomiyadeed, mid Qaran iyo mid Aduunyaba . Buugtaasi 50% waxa ku qorani dhexdhexaad ma aha waayo waxaa qoray dhinac keliya.

Image may contain: 1 person


Tusaale ahaan dagaalkii labaad ee aduunka taariikhda laga qoray labadii dhinac ee iska soo horjeeday dhinac kaliya oo dhinicii guulaystay ayaa wax qoray lakiin dhinicii Hitler raacsana waxba may qorin. Weliba dhinaca Guulaystay laftiisaayuu dhinac keliya oo ah dhinicii Reer Galbeedka ayaa taariikhda qoray sidaa darteed waxaa xaqiiq ah in Taariikhdaa laga qoray Second World War kii ay 50% been iyo probagando tahay.


Dhadhan badan ma laha buugta laga qoro taariikh X vs Y ah oo dhanka X.oo keliyi uu qoro weliba aan X laftiisa aan loogu cadaalad samaynin. Imika Buuga Dharaara na soo maray ee uu qoray Boobe Yusuf Ducaale marka laga tago in aan Buugaa lagu qoray ceebihii, guuldarooyinkii iyo Jiciirihii SNM ku dhacay ee codka SNM loogu wada rido waxaa ka maqan cadaalad badan oo SNM dhexdeeda ah. Tusaale


A. Degaankee ayaa u badsaday Dagaalka.
B. Kumuu ahaa Tijaarkii lacagta ugu badan geliyay ururkii SNM
C. Degaankee buu ahaa degaankii Xoolaha ugu badan SNM u qalay ama ku sooryeeyay.
Miyay waxaasi ku qoran yihiin?.


Buuga Taariikhda Somalia ee Jaamac Maxamed Qaalib.
Buuga Hodanka Baahan iyo Himiladayda ee Xirsi Xaaji Cali
Buuga Warjire ee Axmed Siciid Cige.
Iyo qaar kaleoo badani ma X vs Y.


2. Buugaagta kale ee la qoro waxaa ka mida Buug aan ku magacaabi karo Taabtaha nolasha.
Buugaasi ma aha Buug cayimaya ama ka hadlayaa dhacdo la odhan karo hebal ama heblaayo ayay u gaar tahay lakiin waa mid Bulshada oo dhan khusaysa.


Tusaale ahaan Buugii magaciisu ahaa Ayaan Daran ee ku saabsana inantii wanaagsaneyd ee dabinka ku dhacday dee muu ka hadlaynin gabadh gaaara oo mucayina oo la yaqaano, lakiin waxaa jiray imikana jira boqolaal hablood uu aduunka jooga oo qisadaasi khusayso.


Buuga uu magaciisu yahay Godab aan la Garwaaqsan ee uu qoraagu kaga hadlay Gudniinka Fircooniga ah ee Hablaha lagu sameeyo. Waa Buug taabtaha nolasha noqonaaya

Waxaan uga socdaa


Hada Buugan uu soo wado Wiilkan dhalinyarada ahMaxamed K Bigeeyeee uu magaciisu yahay HANTIILAHA AAN SHAQAYSAN, waxa uu noqonayaa hadii ay cadaaladi jirto isaguna uu si farshaxana u qoro Buugii Qarniga.


Waayo?. Dee Hantiilaha aan shaqaysani waa tuuga kursiga ku booba xoolaha umada maantana hadii aad eegto inta Hantiile aan shaqaysan Somalia joogta ciida iyo camaarka ayay ka badan yihiin, Hargeisa oo qudha ayay joogaan qaar 10 sano ka hor Malcaamad quraan haystay maantana tijaar ahi right.


Waar badiya akhriska Buugaagta Taabtaha nolasha ah iska jirta Buugta X vs Y. Ee X ama Y oo gudahooda is boobaya ay qoraan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...