Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud

0
Saturday February 29, 2020 - 11:13:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud

    Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa saaka deggan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa saaka deggan
kaddib dagaal culus oo tan iyo xalay halkaas ku dhexmarayay ciidammada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaacah. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkaasi gaystay.



Wararka aan ka heleyno degmadaas ayaa sheegaya in xerada Inji oo ay hore u degganaayeen ciidamada Ahlu Sunna ay haatan la wareegeen kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya. Ilo aad ugu dhow Ahlu Sunna oo codsaday inaan magacooda la shaacin ayaa BBC-da u xaqiijiyay in wada hadal iyo dhexdhexaadin laga dhex waday Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda federaalka ay sababtay in hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaacah ay isku dhiibaan ciidamada dowladda.


Dhanka kale, Cabdisalaan Guuleed oo falanqeeya arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in is afgarad dhex mara Ahlu Sunna Waljamaacah iyo Dowladda Federaalka aad loogu baahnaa.


"Waxaan is leeyahay dhaqaale iyo waqti badan ayaa lagu bixiyay inaysan xabbad dhicin, laakiin halkii ugu dambeysay ayay arrintu ka sirgaxatay, waxaana is leeyahay weli fursad ayaa taalla, dadku waa dad isla dhashay, waa dadkii deegaanka, madaxweynaha deegaanka ayuu ka soo jeedaa, Ahlu Sunna sidoo kale waa dadkii kasoo shaqeeyay ammaanka deegaanka. Waxaan filayaa in waxa ugu weyn ee la isku haysto ay siyaasad tahay oo aysan wax kale oo weyn

 

BBC

Loading...
Loading...