Heshiisyada Ku Wajahan Kahadalka Doorashada Somaliland Go'aan Kastaaba Wuxuu Hordhac U Yahey Caqabad Kale

0
Saturday February 29, 2020 - 10:18:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiisyada Ku Wajahan Kahadalka Doorashada Somaliland Go'aan Kastaaba Wuxuu Hordhac U Yahey Caqabad Kale

    Annigoo ka hadlaya Aragtideyda Najiib Ismaaciil Maxamed,ee ku saabsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Annigoo ka hadlaya Aragtideyda Najiib Ismaaciil Maxamed,ee ku saabsan
in xal laga gaadho ama ay dalka ka qabsoonto Doorasho waxey ila tahey marka la isku soo ururiyo habdhaca xiligan ee kasoo wareegtay mudadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi talada dalka qabtey, marka loo eego mar walba qoddobka lagu ambabixinayo, kii hore ee caqabadu ama murannku ka taagnaa in caqliga Wanaagsani ina Siinayo in kutagalka Madaxweynaha ee xaga Doorashadu tahey mid aanu marnaba Diyaar u aheyn in Doorasho dalka ka qabsoonto sidaa daraadeed miyaan la isweydiin Karin maxaa faa,iido ah ee ugu jirra Madaxweynaha inaan dalka laga qaban Doorasho mudada uu Xilka hayo, mase ku badbaadayaa in uu Xukunku gacantiisa kisii jirro.

 

Marka aynu dib u tixraacno in ka baddan labaatan jeer oo kulano dhexdhexaadin, iyo wadatashi laga galley arimaha Doorashooyinka waxaa soo baxdey inaan marnaba xal laga gaadhin wax kusii xumaadda, iyo caqabad kale mooyaane aaney marnaba iman in lagu soo gunaanado ama lagu soo afjaro khilaafkii hore ee ka taagnaa Doorashooyinka Somaliland muddo Xileedkan madaxweyne Biixi halkaas oo ay ku hungobeen ilaa iyo haddana wali ka dhursugayaan kumanaan kamid ah taageerayaasha Xisbiyada iyo Muwaadiniinta Somaliland ee damac kaga jirey Doorashada Baarlamaanka  ha ubadnaadeene, Haddaba Soomaalidu maxey tidhaa Meyd keebaa u dambeeyay kaa lasii Sido.

 

Haddeynu usoo noqono heshiiskii u dambeeyay ee qoddobadiisa xaley la inooka akhriyay Warbaahinta ayaa laftiisu wali u muuqda mid aan aheyn heshiis xal lagaga gaadhi karro Doorashada iyo muranka Xisbiyada Somaliland Waa maxey sababtu? Sababtu waxa weeyi Waxaa murankii iyo caqabaddii u dambeysay ahaa Ina Riyo-Raac iyo Xubnihiisii Komishanka, oo la isku afgaran waayay runtii iyo xaqiiqdiina caqabad weyn ku ahaa Doorashada iyo hawsheeda haddaba markii uu Gudoomiye Cirro ka hadley heshiiska iyo nuxurkiisa, Waxa kale oo isaguna hadley Gudoomiye Faysal, Waxaa kale oo isaguna ka hadley Wasiirka Arimaha Gudaha oo ah Gudoomiye/kuxigeenka koowaad ee Kulmiye miyaanay khalad aheyn in Riyo-Raac yidhaahdo anigaa Gudoomiyihii Komishanka ah oo Doorashada qabanaya waxey aheyd in uu iscasilo oo Shacabka ka dhuunto laakiin may aheyn in uu yidhaahdo Komishankii hore waa Guddi farsamo.

 

Gabagabadii marka maalin Walba Boqor Buurmadaw u hadlo ninka leh umadda garsoore qasab ah ayaan unoqonayaa ina leh ee ina Riyo-raac miyaanay u muuqanin in Xukunka Madaxweyne Biixi mid cid gaar ah ku foogan oo Mustaqabalka dhaw Saameyn ku yeelan doona in uu dalka sidaa ugu sii hogaamiyo, iyadoo dad baddan oo ila aragti ahi aaminsan yihiin haddii Somaliland Doorashadeeda warwareeg iyo meerasi lagaliyo in uu Madaxweyne Biixi ku jabayo, oo ay macnaheedu tahey n uu kala kulmi doono dhibaatooyin aan maanta u muuqanin

 

       Najiib Ismaaciil Maxamed Somaliland Gabiley: Tell 0634466339


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...