Putin oo sharraxay xaqiiqada ku saabsan arrin lagu xaman jiray muddo dheer

0
Friday February 28, 2020 - 05:48:54 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Putin oo sharraxay xaqiiqada ku saabsan arrin lagu xaman jiray muddo dheer

    Putin oo sharraxay xaqiiqada ku saabsan arrin lagu xaman jiray muddo dheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Putin oo sharraxay xaqiiqada ku saabsan arrin lagu xaman jiray muddo dheer

Hargaysa(HWN):-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa qirtay in horay loogu soo bandhigay fursad ku saabsan inuu sameysto qof muuqaal ahaan u eg, si amnigiisa loo sugo, laakiin uu diiday inuu aqbalo.

Wuxuu sheegay in arrintan, oo muddo dheer lagu xaman jiray, miiska loo soo saaray horaantii sanadihii 2000, markii uu Ruushka la dagaallamayay kooxihii gooni u goosadka ee Chechnya.


Mr Putin, oo ah 67 jir horay uga tirsanaan jiray ciidamada sirdoonka Ruushka, ayaa dhowr jeer safarro ku tagay gobolkaas, intii ay dagaallada socdeen.
Muddo sannado ah ayaa baraha bulshada loogu xamanayay waxyaabo uu si gaar ah u sameeyo madaxweynahan, sida in uu leeyahay dad muuqaal ahaan aan laga garaneynin, si amnigiisa loo sugo.
.

Hase yeeshee, Mr Putin, oo xukunka Ruushka hayay tan iyo sanadkii 2000, ayaa sheegay in "uu iska diiday sameysashada dad u eg", inkastoo marar badan loo soo bandhigay fikraddaas.

Sheekada ku sabsan arrintan waxaa markii ugu horreysay soo shaac bixiyay Andrei Vandenko, oo ah wariye wareysi la yeeshay Mr Putin, kaasoo u shaqeeya wakaaladda wararka Ruushka ee Tass.

Mr Vandenko ayaa sheegay in waxyaabihii ugu badnaa ee ay dadka internet-ka isticmaala ku raadinayeen magaca madaxweynaha Ruushka ay ka mid ahaayeen "dadka u eg Putin" iyo "caddeymaha la xiriira arrintaas".

Wariyahan ayaa xitaa marka uu madaxweynaha wareysanayay weydiiyay su'aal ahayd: "Hadda ma waxaad tahay Putin-kii saxda ahaa?".
Isagoo su'aashaas ka jawaabaya, ayuu Mr Putin xaqiijiyay inuu yahay qof sax ah oo madaxweynaha dhabta ah, wuxuuna beeniyay inuu waligiis dad u eg muuqaal ahaan u isticmaalay amnigiisa dartiis.

Wuxuu sheegay in fikraddan marar badan loo soo bandhoigay intii u dhaxeysay sanadihii 1999-kii ilaa 2009-kii, xilligaasoo uu sheegay inuu ku jiray "xaaladihii ugu adkaa ee la dagaallanka argagixisada"

Mr Putin ayaa lagu wadaa inuu xilka madaxweynaha ka dago sanadka 2024-ka, markaasoo ah xilliga uu ku egyahay wakhtigiisii afaraad ee uu xilka madaxweynenimo qabtay.

Laakiin waxaa jira warar la isla dhex marayo oo ku saabsan inuu xil cusub raadsan doono ama uu dowladda ka maamuli doono daaha gadaashiisa.
Hadda waa madaxweynihii ugu wakhtiga dheeraa ee abid soo maray Ruushka, wixii ka dambeeyay Joseph Stalin, oo xukumi jiray midowgii Soviet muddo ka badan 20 sano oo qarnigii lasoo dhaafay gudihiisa ah.

Bishii January, Mr Putin wuxuu ku taliyay isbaddallo dhinaca dastuurka ah, markii uu jeedinayay khudbaddiisii sannadlaha ahayd ee uu ka hor akhriyay baarlamaanka.

Natiijooyinka dhabta ah ee ka dhalan kara isbaddalladaas wali ma cadda, laakiin dadka falanqeeya arrimaha Ruushka waxay aaminsan yihiin inay tahay isku day uu si uun xukunka ugu sii nagaan doono.

Xigasho:-BBC

Loading...
Loading...