Baanka Horumarinta Afrika Oo Shaaciyey Xadiga Lacag Uu ku Taageerayo Deyn Cafinta Soomaaliya

Muqdisho(HWN):-Bangiga Horumarinta Afrika iyo Sanduuqa maalgalinta Afrika ayaa ansixiyay $ 122.55 milyan, si Soomaaliya looga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay, taas oo wadada u xaareysa in Bankiga adduunku uu furo fursado lagu maal-galinayo dalka.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beileh, oo arintaan ka jawaabayay ayaa sheegay, bangiga horumarinta Afrika in uu Soomaaliya ku raacay isbadallada adag oo ka dhigi kara Soomaaliya in ay noqoto meel u wanaagsan dhammaan dadka Soomaaliyeed.
"Waxaa naga go'an inaan sii wadno dib u habaynteena maadaama aan aragnay faa iidooyinka nidaamyadeena dowladnimo iyo awoodda aan u maareyno dhaqaalaheena, iyo, tan ugu muhiimsan, oo ah inaan sare u qaadno isla xisaabtanka dowladda,” ayuu yidhi wasiir Bayle.
Bangigu wuxuu qorsheynayaa inuu si dhakhso leh dib ugu bilaabo wada shaqeynta caadiga ah ee lala yeesho Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya isla marka ay caddeeyso waxa ku soo dhacay Bankigeeda.
Kaalmo maaliyadeed oo dheeri ah ayaa la bixin doonaa si loo taageero isbeddelada socda iyo dib u habaynta cusub ee lagama maarmaanka u ah Soomaaliya si ay u gaarto dhibcaha dhameystirka iyadoo la adeegsanayo Kobcinta Awoodaha wadamada saboolka.

Loading...
Loading...