Somaliland Oo Looga Digey Halista Caafimaad ee ka Dhalan karta Daasadaha Caanaha laga Dhammeeyo

0
Monday February 24, 2020 - 08:02:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Looga Digey Halista Caafimaad ee ka Dhalan karta Daasadaha Caanaha laga Dhammeeyo

    Hargeysa (HWN) Xildhibaan Mukhtaar Ciise Xamari kana mida mudanayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) Xildhibaan Mukhtaar Ciise Xamari kana mida mudanayaasha

golaha guurtidda Somaliland ayaa ka digay helista caafimaad ee ku jirta daasaddaha caana laga dhammeeyo ee hadana dib loo isticmaalo.



Xildhibaan Mukhtaar waxaa uu caddeeyay in daasaddaha caana boodhaha laga dhammeeyo ee ay meheraduhu shaaha ku kariyaan ay yihiin, kuwa ka sameysan bir khafiifa oo lagu buufiyey Rinji Almuuniyama, kaasi oo uu xusay in marka uu dareeraha la falgalo uu keeno xanuuno ay ka mid yihiin Beer xannuun, Kansar iyo in dadka xanuunka maskaxda qaba ay soo bataan.


Xildhibaan Mukhtaar Ciise Xamari isaga oo ugu horeyn arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi "Daasadd Caana Boodhe ka dhammaaday oo shaah lagu karinayo, daasaddaasi oo ka sameysan bir aad u khafiifa waxaana lagu buufiyey Riji ka sameysan Almuniyan, Almuuniyamkana waxaa aynu ognahay in uu aad u khatar badan yahay marka u dareeraha noqdo ee uu dareeraha raaco, taasina waxaa ay sababaysa in Shaaha lagu kariyey daasaddaasi Almuuniyamka, Almuuniyamkii in uu ku milmo Shaahi iyo wixii dareeraha ahaa kadibna uu qofku cabo, waxaa ka dhalayana cidina ma darsin.


Dhiiigi ayuu raacaya Almuuniyamkii xubnihii bini’aamku ka noolaayo dhan ayuu waxyeeleyaa, tusaale ahaan Beerkii ayuu waxyeelaynayaa oo beerki waxaa galaya Almuuniyamkii, dhigii ayuu raacaya jidhkii oo dhan ayuu ku wareegayaa intaasi kadibna maskaxda ayuu fadhiisanaya Almuuniyamkii, sanbabkii ayuu raacayaa, xubnihii jidhka ee qofka bini’aamka ahi ka noolaayo dhan waxaa ku wareegaya waa Almuuniyamm, daasaddaasi loogu tallo gelin in wax lagu isticmaalo waxaa loogu talo galay in muddo yar oo kooban keyd ku ahaaddaan caana boodhihii meeshaasi ku jiray kadibna la tuuro daasadda iyadda ah, khataraheedu aad ayay u faro badan yihiin mana soo wadda koobi karro arrintaasina waa mida keentay in dadka maskaxda wax ka qaba ay aad inoogu bataan, khaasatan gobolka Maroodijeex, cuduradda faraha badan ee uu ka mid yahay beer xannuunka, kansarka lagumana barraarugsana marka waxaa looo baahan yahay in la joojiyo isticmaalkeeda waliba goobaha shaaha laga cabo”

Loading...
Loading...