Somaliland:-Guddida La Dagaalanka Mukhaadaraadka Oo Kulankoodii Koowaad Ku Yeeshay Hargeysa

0
Sunday February 23, 2020 - 14:55:14 in News by
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Guddida La Dagaalanka Mukhaadaraadka Oo Kulankoodii Koowaad Ku Yeeshay Hargeysa

    Somaliland:-Guddida La Dagaalanka Mukhaadaraadka Oo Kulankoodii Koowaad Ku Yeeshay Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:-Guddida La Dagaalanka Mukhaadaraadka Oo Kulankoodii Koowaad Ku Yeeshay Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa sheikh Khaliil C/laahi Axmed, ayaa maanta furay shirkii u horeeyay oo ay yeeshaan guddiga wacyigelinta la dagaalanka mukhaadaraadka ee Somaliland.




Guddigaasi oo dhawaan la magacaabay ayaa kulankoodan maanta oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland ee magaaladda Hargaysa.


Waxaana kulankaasi joogay agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta, gar-yaqaanka guud ee qaranka Somaliland, iyo xubnaha guddigaasi oo culimo ah.


Guddigan wacyigelinta iyo la dagaalanka mukhaadaraadka oo ka kooban toban xubnood, oo laba ka mida ay haween yihiin.


Shirka maanta oo uu shir-guddoominayay wasiirka Khaliil, ayaa lagaga dooday qorshaha guddigani ay ku hawl-geli doonaan sanadkan aan ku jirno ee 2020-ka.


Waxaana shirkaasi hadalo ka jeediyay agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaafta, iyo wasiirka oo furay.


Waxaana markii uu soo dhamaaday shirku warbaahinta faahfaahin ka siiyay guddoomiyaha guddiga wacyigelinta iyo la dagaalanka mukhaadaraadka.


Halkan Ka Daawo Hadaladii Wasiirka iyo Agaasimaha Guud:


 


Loading...
Loading...