Mawqifka Kornayl Biixi Ee Furritaanka Ururrada Siyaasadda Iyo Waydiimaha Ku Geddaaman

0
Sunday February 23, 2020 - 13:26:57 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mawqifka Kornayl Biixi Ee Furritaanka Ururrada Siyaasadda Iyo Waydiimaha Ku Geddaaman

    Mawqifka Kornayl Biixi Ee Furritaanka Ururrada Siyaasadda Iyo Waydiimaha Ku Geddaaman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mawqifka Kornayl Biixi Ee Furritaanka Ururrada Siyaasadda Iyo Waydiimaha Ku Geddaaman

Hargaysa(HWN):-Khudbaddo dhawr ah oo is xig-xigay ayuu jeeddiyay Kornayl Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo u muuqday kuwo is-tabcaynaaya, isla markaanna Kornayl Biixi ka dhigaaya hoggaamiye aan qawl lahayn oo wacadka uu galo aan ka soo bixin.

Bishii Novembar ee Sannadkii Tagay ee 2019 ayaa Ergo is xilqaatay oo isugu jiray Ganacsato iyo waxgarad kale waxay ku guulaysteen inay dawladu soo dayso Laba sarkaal oo sare oo ka xidhan Xisbiga WADDANI iyo Xubin ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga Waddani.


Ergadani waxay markii danbe go'aansadeen inay xaliyaan Khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaridka ah ee ka dhashay dhismaha Komiishanka Cusub ee doorashooyinka oo muran ka taagnaa Laba Xubnood oo ka mid ah iyo Mudo kordhinta golaha guurtidu u sameeyay Golaha Wakiilladda.
Image result for muuse biixi cabdi

Kadib markii ay Kalsooni ka heleen Kornayl Muuse Biixi iyo Guddoomiyeyaasha Labada xisbi Mucaarid, isla markaana ay darseen xudunta Khilaafkan ayay Go'aan soo jeedin ah soo saareen 16/12/2019-kii,kaasoo nuxur ahaan dhigaayay in la kala diro Komiishankii gacan ku rimiska ahaa ee xukuumaddu dabada ka riixaysay. Waxaa kale oo ay ku baaqeen in la soo celiyo Guddidii hore ee doorashooyinka ee xil-hayntoodu dhammaatay. Qodobka hore ee go'aankaas ayaa labada xisbi mucaarid guul siinaayay, hasa yeeshee waxa uu qodobka labaad waran ku ahaa Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani oo ku khasbanaaday inuu ogolaado Komiishankii uu mudada labada sano ahayd diidanaa, balse aqbalaada go'aankaas ayaa loo arkaayay mid uu kaga cararayo inuu gar-diid ku sifoobo.

Kornayl Biixi oo badhtamihii bishii December 2019 waxa uu diray farriin uu ku sheegaayo in dalku aannu meel gaadhayn marka cid kale ammuurahoodda u yeedhinayso, isagoo sheegay in loo baahan yahay wada-tashi iyo in si wada-jir ah wax loo wada qabsaddo.


"Komishankan imika taagani waa wax la xalin karo, waa inta la iskaga imanayo uun, muxuu ku basiir yahay dadku marka ay wax isku qabtaan laba hal uun bay ku heshiiyaan, maslax iyo xaggaan, haddii xaggaan iyo maslax la waayo sharciga la raaca, labadiiba awood waynu u leenahay, sharcigiina waa ina horyaala, xaggaan iyo maslaxna waa inoo yaala labada-ba waynu qaban karna laakiin miyir qab ha la iskula yimaado yaan waali lagu wada hadlin" Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.

Kornayl Muuse Biixi waxaa kale oo uu masalo basiid ah ku tilmaamay qadiyada Saami qaybsiga "Ta soo hadhay waa kuraasida Baarlamaanka oo lagu fadhiyo oo in badan laga cawdo oo la yidhaahdo tabasho iyana waa masalo basiid, waar maanta ma sidan baynu yeelna ma qaban karayna, tan dib ma u dhigana, tan hore ma u qaadna wax la garan waayo maaha. Sidaa darteed waxaan leeyahay Somaliland maanta qorshaha qudha ee u yaala waa inay iskugu tagna iyada oo wada socota oo kala raali ah oo tashatay inaynu doorashada qabano"

Labada xisbi mucaarid ayaa ku celceliyey inay Madaxweynaha uga fadhiyaan Meelmarinta Go'aankii ergada odayaasha ah, Hasa yeeshee Wuxuu Kornayl Muuse Biixi xaqiiqada ka war-wareegaba, wuxuu afgobaadsi ku sheego in soo celinta Komiishankii hore ay tahay wax fudud, waxay soo gaadhay 18 Bishan waxaanu labada gole ee sharci dejinta ka hor jeediyey Khudbad sannadeedkiisii distooriga ahayd,iyadoo la eegaayay sida uu Muuse Biixi uga badheedho kala dirista Komiishanka uu gacantiisa ku sameeyay, isla markaana ay maanta ka maqan Yihiin Labadii Xubnood ee Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa waxaa ka soo yeedhay dhawaaq ka duwan kii uu dhawrka jeer uu ku cel-celiyey, waxaanu sheegay in kadib markii Xisbiyada Mucaaridku ay Khilaaf u joog noqdeen labadii sano ee u danbeeyay, isla markaana la garan waayay waxay doonayaan iyo waxay diidayaan sida uu hadalka u yidhi uu go'aansaday inuu wakhtigeedii ka soo hor mariyo furitaanka Ururada siyaasada oo markii hore ku beegnaa dabayaaqada 2022-ka,Waana qodob loo fasirtay tabco uu la helay Labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid, iyadoo wararku sheegayaan in Kornayl Muuse Biixi rabo inay natiijada furitaanka Ururada siyaasada ay u soo baxaan Laba Xisbi Mucaarid oo go'aamadiisa ku shaqeeya isla markaana uu ka takhaluso kuwa hada jira.


Inkastoo furitaanka Uruada Siyaasadu ay yihiin xuquuq distoori ah oo Muwaadiniinta Somaliland xaq u leeyihiin Hasa yeeshee Waxay Su'aali dul taalaa Maadaama Kornayl Muuse Biixi uu ku Guul daraystay inuu laba Xisbi Mucaarid u qabto doorasho sida uu ugu Xaqsoorayo Ururada Tirada badan ee la furan doono iyadoo Shacabku ka dharagsan Yihiin Sidii Caddaalada ka fogayd ee lagu reebay qaar ka mid ah Ururadii Siyaasadda ee ka qayb galay Doorashadii Golayaasha deegaanka ee 2012-kii Somaliland ka dhacday Sida Urur Siyaasadeedyadii Xaqsoor iyo Ummada oo Xisbiga Kulmiye u arkayay in hadii ay ku soo baxaan ay Mucaaridad adag kala hor iman doonaan maamulkooda.

Waxaa kale oo la is weydiinayaa Maadaama Kornayl Biixi uu Cimrigii Xisbiyada ee 10-ka sano uu xiligoodii ka soo hor marinayo ma ka heli doonaa Beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta geedi socodka dimuquraadiyada dhaqaalaha buuran ee lagu qabto doorashooyinka, iyadoo laga wada dharagsan yahay inta jeer ee Balan uu la galay daneeyeyaasha Somaliland ee doorashooyinka oo uu hadana ka baxay amase uu oofin waayay.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...