Saxafi Hargaysa Dhexdeeda Loogu Hanjabay Dil Toogasho Ah
Hargaysa (HWN) Wariye Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan wariyayaasha Somaliland ayaa sheegay in loogu hanjabay dil toogasho ah.
Wariye Khaalid ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyaha Facebook, waxaanu qoraalkiisa oo dhamasytirani uqornaa sidan:
Galinkii hore ee maalinnnimadii 16kii bishan, waxaa isoo wacay telefoon aanan horey u arag isla markaana garaneyn cidda leh, waxaa uu ahaa telefoon isku wada eeg marka laga soo tago numberka koowaad iyo kan ugu danbeeya.
Markiiba wuxuu igu bilaabay waa nin Hargeysa jooga, wuxuu ku xigsiiyay maxaad wararka usoo qortaa? haddana cay iyo aflagaaddo, ka dibna hanjabaad dil toogasho ah ayuu ku daray!.
Waan yaabey, waxaan se dhawr mar ku celceliyay kuma ayaad tahay, xaggaad ka socotaa, maxaad igu haysataa? Dhammaan su’aalahaas wuu diidday wuuna igu dhigay telefoonkii.
"Madaxa ayaan kaa toogan doonaa”, wuxuu ahaa hadalka ugu badan ee uu ku tiraabayay ruuxaasi, weliba Hargeysa dhexdeeda ayaan kugu dilayaa ayuu yidhi.
Isla maalintiiba waxaan kiiska ninka soo hanjabay u gudbiyay xarunta danbi-baadhista Somaliland ee CID’da iyo ururka SOLJA, anigoo kalsooni ka qaba sharciga iyo laamaha ammaanka dalka. Si fiican ayuu ii qaabilay taliyaha CID-du Faysal Xiis Cilmi, anigoo u sheegay in aan ahay nin saxafi ah oo loogu hanjabay dil, taasi oo halis ku ah noloshayda iyo mihnaddeydaba. Taliye Faysal markiiba wuxuu ii diray xeer ilaalinta gobolka, anigoo u gudbiyay xeer ilaalinta codsi ah in la ii baadho kiiskan.
Xeer ilaalinta gobolku si fiican ayay iyaduna ii soo dhaweysay, iyadoo arrintayda dib ugu celisay CID-da si ay u gudo galaan baadhistooda. Laanta danbi-baadhistu waxaa ay bilowday baadhisteedii oo socotay muddo toddobaad ah.
Waxaa baadhistii CID-da lagu ogaaday in telefoonka la iiga soo hanjabay uu lahaa ruux ka tirsan shaqaalaha dawladda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda.
Werwer wayn ayay igu abuurtay in telefoonka la iiga soo hanjabay uu lahaa ruux shaqaale dawladdeed ah, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda, hase ahaatee markii la soo qabtay ruuxii telefoonka lahaa waxaa uu ku dhaartay in telefoonka laga xaday oo aanu isaga ahayn ruuxa soo hanjabay.
Ugu danbeyntii, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan cid kasta oo kiiskan iga gacan siisay sidii aan uga sal gaadhi lahaa, gaar ahaan xarunta CID-da iyo Xeer ilaalinta Gobolka Maroodijeex.