Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Gaalkacyo oo Albaabadu Xiran yihiin,

0
Sunday February 23, 2020 - 08:57:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Gaalkacyo oo Albaabadu Xiran yihiin,

    Ganacsatada Gaalkacyo, ayaa ka cabanaya canshuurta iibka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada Gaalkacyo, ayaa ka cabanaya canshuurta iibka,



Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in maalintii Afaraad ay xiran Suuqa Ganacsiga ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

 

Xirnaanshaha Suuuqa ayaa yimid ka dib markii ganacsatadu ay cabasho ka muujiyeen, canshuur dheeriya oo ay ku soo rogtay wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Ganacsatada Gaalkacyo, ayaa ka cabanaya canshuurta iibka, taasi oo ay sheegeen in wasaaradda Maaliyaddu kaga qaadi jirtay kastamyada oo keliya, haddana ay bilowday in ay mid labaad ka qaaddo xarumahooda ganacsiga ee ku yaalla magaalada.

 

Goobaha Ganacsiga ayaa la xiray maalintii khamiista aheyd ee la soo dhaafay,waxaana xirnaanshaha Goobaha Ganacsiga ay saameyn ku yeelatay dadka tamarta yar ee ku nool Magaalada Gaalkacyo.

 

Wasaaradda Maaliyadda Puntland, weli wax jawaab ah kama bixin, cabashada ka imaanaysa ganacsatada Gaalkacyo ee la xiriirta Canshuurta lagu kordhiyay.


Loading...
Loading...