Somaliya Oo Ku Dhawaaqday Dagaal Ay Diyaarado U Adeegsanayso

0
Sunday February 23, 2020 - 08:47:23 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Oo Ku Dhawaaqday Dagaal Ay Diyaarado U Adeegsanayso

    Waxaa uu sidoo kale sheegay in la diyaariyay Koox gaar ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sidoo kale sheegay in la diyaariyay Koox gaar ah


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bilaabi doonto qorsheyaal lagula dagaallamayo Ayaxa oo ay sheegtay in uu dhibaato badan ku hayo Soomaaliya.

 

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Ayaxa ay ku dagaallami doonto diyaarado iyo Qalab Casri ah.



Waxaa uu sidoo kale sheegay in la diyaariyay Koox gaar ah oo ka shaqeyn doonta Goobaha uu ku fadhiistay Ayaxa.

 

Waxaa uu sheegay in la hirgaliyay goobo gaar ah oo loogu tala galay in ay howlgallaan Kooxaha loo diyaariyay in ay la dagaallamaan Ayaxa.

 

Soomaaliya ayaa dhawaan ka mid noqotay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa , iyadoo ay Soomaaliya iska dhiibtay qaraankii lagu laha mudadii ay ururkan ka maqneyd.

Loading...
Loading...