Dowlada Talyaaniga Oo Go'aan Culus Kasoo Saaray Cudurka Coronavirus

0
Sunday February 23, 2020 - 08:40:18 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Talyaaniga Oo Go'aan Culus Kasoo Saaray Cudurka Coronavirus

    Tallaaabooyinka ayaa la soo rogay kaddib markii laba muwaadin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tallaaabooyinka ayaa la soo rogay kaddib markii laba muwaadin

Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay soo saartay "tallaabooyin culus” oo ay ku xakamaynayso in caabuqa coronavirus uu ku faafo qaaradda Yurub.

 

Ra’iisul Wasaare Giuseppe Conte ayaa gelinkii dambe ee Sabtida waxa uu ku dhawaaqay qorshe degdeg ah xilli tirada dadka uu caabuqaasi ku dhacay ay sare u kacday oo ay gaartay 79.

Tallaaabooyinka ayaa la soo rogay kaddib markii laba muwaadin oo Talyaani ah la xaqiijiyay inay u dhinteen caabuqan.

 

Toban magaalo oo ku yaal gobollada waqooyi ee Lombardy iyo Veneto ayaa si adag waxaa loo galiyay karantiil.

 

Ku dhawaad 50,000 oo qof oo ku sugan magaalooyinkaas gobollada waqooyi ayey mas’uuliyiintu waydiisteen in aanay guryahooda soo dhaafin.


Loading...
Loading...