Gudida Doorashooyinka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Cusub Ee Galmudug.

0
Sunday February 23, 2020 - 08:24:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida Doorashooyinka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Cusub Ee Galmudug.

    Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay Madaxweynaha Galmudug ka dhageysteen warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay Madaxweynaha Galmudug ka dhageysteen warbixin


Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Somaliya oo maalmahaan ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay halkaasi ka wadaan kulamo ay la qaadanayaan Madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas.

 

Xubnaha Guddiga oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor).



Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay Madaxweynaha Galmudug ka dhageysteen warbixin ku saabsan hanaanka ay u dhici doonto doorashada qaran 2021 oo ay Guddiga wacyigelin ku saabsan ay la wadaan dalka.

 

Guddiga ayaa madaxweynaha iyo hey’adaha amniga la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha doorashooyinka 2021.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor). ayaa bogaadiyay waxqabadka Gudiga, isla markaana ballanqaaday iney ka caawin doonaan hawlahooda.

 

Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa horay waxaa ay ul akulmeen Madaxda ugu sareysa Gamudug,hay’adha Amniga ka howlgalla deegaannada Galmudug & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas.

Loading...
Loading...