Ujeedada Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga Somaliya Oo Safar Ku Jooga Cummaan

0
Sunday February 23, 2020 - 08:18:01 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga Somaliya Oo Safar Ku Jooga Cummaan

    Labada Wasiir, ayaa ka wadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen ganacsiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada Wasiir, ayaa ka wadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen ganacsiga

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo wefdi uu hoggaaminayey ayaa socdaal shaqo ku jooga dalka Cummaan, waxayna shirar gaar-gaar ah iyo booqashooyin ku saabsan iskaashi ganacsi oo dhex-mara labada dal ka sameyeen Saldanada Cummaan.

 

Wasiirka ayaa waftigiisa waxaa ku wehliyey danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Cummaan Cabdiweli Cali Axmed Jaylaani, waxa ay booqasho ku tageen warshadda soo-saarta Saliidda iyo warshadda farsamaysa fiilooyinka xambaara Internet-ka xawaraaraha sare leh ee dalkaas.

 

Wasiir Cabdullaahi ayaa madaxda warshadahan kala hadlay siddii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya, waxaana uu ku dhiiri-geliyey inay faracyo kale oo warshadahan ah ay ka furtaan gudaha Soomaaliya.

 

Dhanka kale, wasiir Cabdullaahi Cali Xasan ayaa la kulmay wasiirka gaadiidka ee Saldanada Cummaan Axmed Bin Maxamed Al-Futaisi ahna guddoomiyaha shirkadda ASYAD oo ah shirkad maamusha dekadaha iyo goobaha ganacsiga xorta ah ee dalkaas.

 

Labada Wasiir, ayaa ka wadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen ganacsiga gaadiidka, isla markaana loo heli lahaa duulimaad toos ah oo Cummaan iyo Soomaaliya iskaga kala goosha.

 

Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale isla soo hadal-qaaday sidii labada dal ay uga wada faa’ideysan lahaayeen marin biyoodka isku xira badweynta Hindiya iyo Badda-Cas oo uu maro ganacsiga ugu badan ee iskaga goosha qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub.

 

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa kale oo uu la kulmay wakiilka Beeraha iyo Kalluumaysiga ee dalka Cummaan Dr. Sucuud Bin Xamuud, waxayna ka wada-hadleen siddii dalaga beeraha iyo kalluunka Soomaaliya loogu iib-geyn lahaa dalka Cummaan iyo inay iska kaashadaan sare u qaadidda tayada kalluunka iyo dalaga beeraha Soomaaliya.


Loading...
Loading...