Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay Kulankii Muuse Biixi Iyo Farmaajo
Wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week in the Horn’ ku sheegtay in raali-gelinta Farmaajo ay qeyb ka tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkayey is-faham ay labada dhinac gaadheen.
Warbixinta wasaarada ayaa waxa kale oo lagu xusay qaabkii uu uga jawaab celiyay raali-gelintaasi Madaxweynaha Somaliland, waxaana lagu yiri "Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah”.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in markii ugu horaysay ay labada madaxwayne kulan ku yeesheen Adis ababa
"Toddobaadkii hore, labadoodu markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa” ayaa lagu yidhi Warbixinta Wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya.