Deg Deg: Hogaamiye Muuse Oo Wasiir Siciid Sulub Ugu Baaqay In Uu U Jawaabo 2 Gudomiye Xisbi Iyo Wasiir Siciid Oo Ka Biyo Diiday
Hargeysa(HWN):-Hogaamiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku jahawareersan sidii loogu jawaabi lahaa labada gudoomiye xisbi mucaarid waddani iyo Ucid
Muuse ayaa wajahay in u jawaabida labada gudoomiye ay ku haboontahay masuul ay isku beel yihiin isla markaana uu la hadal hayo in wasiirka xanaanada xoolaha Siciid Sulub uu u jawaabo, balse wasiir Siciid ayaa ka biyo diiday arintaasi Muuse iyo wasiir Siciid Sulub ayaa ku kala tagay cadho.
Wasiir Siciid Sulub ayaa ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee waddani markii hogaamiye Muuse soo magacaabay wasiirkasi
Balse wasiir Siciid Suluub ayaa ilaa hada aan iska casilin xisbiga waddani waxaana marar badan oo su’aalo laga waydiyeyna ku jawaabay hawsha aan hayo qarankaan u hayaa una shaqaynayaa.
Hogaamiye Muuse ayaa xukuumadiisa ka dhex baadhaya khaasatan beesha ay ka soo jeedaan labada gudoomiye cidii u jawaabi lahayd.
Iyadoo la filaayo
in hogaamiye Muuse kulan uu iskugu yeedho masuuliyiinta beesha garxajis ee ku
jirta xukuumadiisa si jawaab loo siiyo labaad gudoomiye ee xisbiyada ucid iyo
waddani
Hadhwanaagnews
Hargeysa/office