Balanqaad Madaxwayne Farmaajo Usameeyay Muuse Biixi Oo Faysal Cali Waraabe Fashiliyay

0
Saturday February 22, 2020 - 18:23:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Balanqaad Madaxwayne Farmaajo Usameeyay Muuse Biixi Oo Faysal Cali Waraabe Fashiliyay

    Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ucid Faysal Cali Waraabe,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa shaaciyey ballan qaad loo sameeyey hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi.


Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay inuu Madaxweyne Farmaajo uu u ballan qaaday Muuse Biixi in la siin doono 30% lacagta Soomaaliya ay heli doonto marka laga cafiyo deynta taasoo gaadheyso illaa $800 Milyan oo lacagta Mareykanka ah



Feysal ayaa xusay in shuruuda lagu xidhay lacagtaas si loo siiyo Muuse Biixi ay tahay inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayuu ku eedeeyey inuu heshiiskaas ka shaqeeyey isla markaasna uu labada madaxweynaba kula kulmay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.


"Muuse Biixi, waxa uu baab’iyay gudaha, waxa uu sameeyay qiyaano, 10-kii bisha waxaa loosoo diray telefoon, $800 Milyan oo Doolar oo la siinayo Soomaaliya marka deynta laga cafiyo ayaa looga ballanqaaday 30% in laga siinayo, kaliya waxaa shuruud looga dhigay in Farmaajo uu kula kulmo Jabuuti, wuuna aqbalay” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.


Lacagta uu Feysal Cali Waraabe sheegay inuu Muuse Biixi heli doono marka la xisaabiyo ayaa ah $240 Malyan oo dollarka Mareykanka ah.


Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dadka Somaliland ay yihiin kuwa u iibsan Muuse Biixi oo madaxooda ku qaatay lacag aad u badan.


Muuse Biixi ayuu tilmaamay inuu ka gaabsaday soo bandhigista kulankii uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalana uu qariyey waxyaabihii ay kawada hadleen xubnihii Itoobiya ka socoday ee tagay Magaalada Hargeysa.


Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo aadayo xilliMucaaradka Somaliland oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Hargeysa ay sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku fashilmay hogaaminta Somaliland, waxayna dalbadeen in xilka uu ka dego, oo loo qabto doorasho deg deg ah.


Waddani iyo Ucid ayaa ka dhawaajiyey in Muuse Biixi uu "noqday Kaligii-taliye”, isla markaana loo baahan yahay in xilka si deg deg ah looga xayuubiyo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Loading...
Loading...